Shirkadda Telesom oo Ku Guulaysatay Shahaadada Caalamiga ah ee ISO 27001

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirkadda Telesom ayaa ku guulaysatay shahaadada Caalamiga ah ee ISO 27001.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay sidan:

Waxa Telesom sharaf u ah in ay ku guulaysatay qaadashada shahaadada caalamiga ah ee ISO 27001 ee la xidhiidha nidaamka maareynta amniga macluumaadka โ€œInformation Security Management Systemโ€ iyadoo ay Telesom noqonayso shirkaddii ugu horeysay ee guud ahaan Somaliland ka jirta, gaar ahaan dhanka Isgaadhsiinta, maaliyadda iyo tiknoolajiyadda Somaliland ee ku guulaystay in ay hesho shahaadadan.