Shirkadda Telesom Group oo si weyn uga dhex muuqatay carwada 10-aad ee rugta ganacsiga JSL

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirkadda Telesom Group ayaa si weyn uga dhex muuqatay carwada 10-aad ee rugta ganacsiga JSL oo ka qabsoontay huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa 15 February.

Madax-hawlgelinta shirkadda Maxamuud Cabdiraxmaan oo ka hadlay munaasibadda ayaa ka warbixiyay doorka Telesom ee horumarka dalka, sidoo kale waxa sharraxaad ka bixiyay adeegyada ay shirkaddu ku soo bandhigtay carwada maamulaha suuq-geynta Saleebaan Ismaaciil Bootaan.