Rasaas ay fureen ciidanka Israa’iil oo sababtay dhimashada hal qof

Falastiin – (WARSOOR) – Wiil 14 jir Falastiini ah ayaa u dhintay Talaadadii dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen daanta galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Mohammad Shehda ayaa la dhaawacay ka dib markii ay toogteen askarta Isra’iil isagoo ku sugan magaalada Al-Khader ee koonfurta magaalada Beytlaxam.

Sida ay sheegeen dadka u dhaqdhaqaaqa  deegaanka, wiilka la dhaawacay ayaa waxaa xiray ciidamada Isra’iil, iyagoo u diiday dhakhaatiirta inay goobta gaaraan si ay gargaar caafimaad ula soo gaaraan dhaawaca wiilka.