Wefti ka socday Safaaradda dalka Kanada Oo Kulan La Yeeshay Wasaarada Waxbarashada JSL

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wefti ka socday Safaaradda dalka Kanada ku leeyahay dalka Kiiniya oo wakiil ka ah dawladda Kanada oo ay wehelinaysay madaxa xafiiska waxbarashada hay’ada UNICEF ee Somaliland Safiya Jibriil Cabdi ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta guud ee kulliyadda macallimiinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargaysa.

Weftiga waxa halkaa ku soo dhaweeyey guddoomiyaha kulliyadda macallimiinta Axmed Cumar Quule oo ay wehelinayeen guddoomiye kuxigeenka kulliyada Maxamed Cumar Ismaaciil iyo madaxa diwaangelinta (Registerer) kulliyada macallimiinta qaranka Maxamed Dayib Nuur.

Ujeedadooda booqashadan ayaa sida ay sheegeen daaranayd sidii ay ugu kuurgali lahaayeen mashaariicda ay dawladda Kanada ku caawiso waxbarashda Somaliland iyo habsami u socodka mashaariicdaasi.

Guddoomiyaha kulliyadda macallimiinta qaranka Axmed Cumar Quule ayaa war bixin ka siiyey kulliyadda macallimiinta iyo hawlaha waxbarasho ee ay u xil saaran tahay iyo ujeedooyinkii loo aas’aasay iyo waxa uga hirgalay ahdaaftii loo abuuray kulliyada.

Geesta kale, waxa iyaguna kullankaa ka hadalay Safiya Jibriil Cabdi ayaa iyaduna si qoto-dheer uga warantay sooyaalkii taariikheed ee kulliyadda macallimiinta qaranku soo martay iyo mashaariicda kala duwan ee ay kala shaqeeyaan kulliyadda.

Sidoo kale, waxa isaguna kullankaa ka hadlay masuul ka socday safaaradda dalka Kanada ee dalka Kiiniya, waxaanu ka mahadnaqay soo dhaweynta loo sameeeyey. Waxaanu sheegay in ay sii xoojin doonaan wada shaqaynta iyo gacanta ay ka geystaan waxbarashada Somaliland.