Qarax Khasaare Gaystey oo Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – In ka badan 4 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho gaar ahaan taaladda Daljirka Dahsoon, tiro intaasi ka badanina way ku dhaawacmeen sida ay sheegayaa wararka laga heelaayo ciidamda amaanka iyo bahda caafimaadka.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaadhi walxaha qaraxa laga soo buuxiyey ayaa lala beegsaday bar kaantarool oo ku taala taaladda Daljirka Dahsoon. Goobtaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo milatariga ka tirsan iyo xildhibaano.

Qaraxan ayaa sidoo kale khasaare soo gaadhsiiyey dhismayaashii ku yaalay goobta uu qarax ku dhacay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay daraasiin kale oo dad ah.

Ciidamada Amaanka iyo baahda caafimaadka ayaa galay gurmadka gargaarka degdeg ah loogu fidinaayey dadkii ku waxyeeloobay qaraxan maanta dhacay. Dadka ku dhaawacmay ayaa loola cararay cusbitaalada ku yaala magaaladda Muqdisho.

Qaraxan waxa sheegtay masuuliyadiisa Al-shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Alshabaab oo u dhignaa sidan: “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsada kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil, xildhibaanno iyo madax katirsan Dowladda oo kusii jeeday dhanka madaxtooyada waxaana jira halaag gaara cadowga”

Dawladda Soomaaliya ayaa cambaaraysay qaraxan waxaanay Al-shabaab ku tilmaamay kuwo dhiiga shacabka xalaalaysanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.