Qarax Ka Dhacay Yeman oo Khasaaraha Dhimashadu Kor u Dhaafay 25 Qof

Yeman  (warsoor) – Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaaladda Mukalla ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 25 qof maanta, sida ay sheegayaan ilo-wareedyadda laga helaayo saraakiisha caafimaadka iyo ciidamada Amaanka.

Saraakiisha caafimaadka iyo kuwa amaanka ee magaaladda Mukalla ayaa sheegaya in dhaawacyo ku dhow 25 qof ay ku dhaawacmeen weerarkaasi is miidaaminta ah. Masuuliyadda weerarkan waxaa sheegtay dagaalyahanadda koox la magac baxday Dawladda Islaamka.

Qarax_yeman

Weerarkan ayaa lagu beegsaday saldhiga lagu qoranaayey ciidamada amaanka ee magaaladda Mukalla.

Weerarkan dhimashadda keenay ayaa noqonaya kii afaraad ee dhacay muddo afar maalmood ah gudaheed. Ciidamada Yeman oo taageero ka helaya isbahaysiga uu hogaaminaayo Sucuudigu ayaa ka saaray magaaladaasi muddo bil ka hor ah.

Fariin qoraal ah oo ay baahisay wakaaladda Amaq oo taageerta kooxda dawladda Islaamiga ah ayaa sheegay in weerarkan uu fuliyey qof naftii hure ah oo suun walxaha qarxa laga soo buuxiyey dhexda ku xidhay, waxaanay wakaaladdani ku sheegtay dhimashadda weerarkaasi ilaa 40 qof.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.