Nin Dhaliyaro oo Hal Qof Middi Ku Dilay Qof Maraykan ah Shan kalena Ku Dhaawacay London oo Maxkamad La Horkeenay

UK – (Warsoor) – Maxkamad ku taala London ayaa hor keenay wiil dhalinyaro Soomaali ah oo lagu magacaabo Sakariye Bulxan oo 19 Jiran oo haysta dhalashadda dalka Norway ka dib marki iuu miidi ku dilay Islaan waayeelka oo u dhalatay Maraykanka  iyo shan qof oo kalena uu dhaawacyo u gaystay.

sakariye

Sakariye oo ku noolaa London 14-kii sano ee u dambeeyey  ayaa  markamaddi uga bilaabantay magaaladda London ka dib markii uu weerar uu mid u adeegsaday oo ku khaarajiyey Darlena Hortan oo  Maraykan ahaydy, waxaa kale oo isku dayey inuu khaarajiyo qof kale oo u dhashay dalka Maraykanka, laba qof oo Ustareeliyaan ah, hal qof oo yuhuudiya iyo hal qof uu u dhashay Ingiriiska.

Muwaadinka Ingiriiska ayaa wali dhaawiciisii lagula tacaalayaa cusbitaalka halka dadkii kale ay ka soo baxay cusbitaalka ka dib markii la daaweeyey.

Maalinimadii Sabtida ayaa la horkeenay maxkamadda waxaan la waydiiyey magaciisa iyo taariikhda uu dhawashay, ka dibna waxaa la waydiiyey inuu fahamsan yahay dambiga lagu soo eedeeyey, waxaan kor u taagay Suulkiisa isagoo muujinaaya inuu fahamsan yahay.

Maxkamadda ayaa dib u mudaysan fadhiga labaad oo 9 bisha August, la isugu iman doono maxkamadda Dhexe ee dambiyadda.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in aanay haynin wax cadaymo ah oo falkan weerarka ah ee uu gaystay Sakariye Bulxan lagu xidhiidhinaayo mayal adayg iyo falalka argagixisadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.