Musharax Cirro Iyo Weftigii Uu Hoggaminayey Oo Kullan Xasaasi Ah Dalka Biljamka Kula Yeeshay Jahliyada Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalkaasi

Belgium – (warsoor) – Weftigii cuslaa ee uu hoggaaminayey musharax Madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ee maal-mihii ugu dambeeyey socdaal ku maraayey qaar kamid ah waddamada Yurub, ayaa dalka Biljamka kullan kula yeeshay jahliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi, kaasi oo ahaa mid is xog wareysi, isla markaana ay soo agaasimeen jahliyada reer somaliland ee dalka ku nool dalka Biljamka iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI.

Kullankan ayaa waxa ka haddlay ugu horayn qaar kamid ah jahliyada reer Somaliland ee dalkaasi Biljamka ku dhaqan dalkaasi , waxaanay sheegeen inuu xisbiga WADDANI uu yahay ka keliya ee dalka iyo dadka u naxaya iyagoo ku ammaanay mawqifkii adkaa ee diid-mada ahaa ee uu xisbiga WADDANI ka qaatay dhaxal wareejintii madaarka Berbera.

Dhanka kalena waxa iyana halkaasi ka haddasha marwo Faadumo Siciid oo kamid ah weftiga musharax Cirro waxaanay sheegtay”annagu iskuma halaynano in aanu iibino dekada ama xarunta laydhka dowlada iibino ama xaruntii wax-barashada haweenka” Woman’s Club iibino, ma doonayno in aan meel baloodhayno, waxaanu doonaynaa in aanu dadka Somaliland rag iyo dumar, dhalinyaro , oday iyo islaan qof kasta uu maanta u dhaqaaqayo inuu waddankiisa uu u kaco oo uu yidhaahdo waddankayga ayaan u hiilinayaa , hiilkiinaa ayaanu maanta u baahanay, taas ayaa keeni karta is bedelka.”Ayey tidhi Marwo Fadumo Siciid.

Sidoo kalena waxa isna halkaasi ka hadlay Dr Maxamed Cismaan fadal oo kamid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI waxaana kamid ahaa haddalkiisii “ bad-baadadii dalka waa xisbiga WADDANI, waad ogtihiin cidkale oo maanta laga filayo in ay dalkan in ay dalkan bad-baadiso oo tubta horu marka iyo cadaalada ay ku toosiso waa WADDANI, xisbiga WADDANI-na waa xisbi mucaaradka ah weeyaan xisbiga mucaaradka ahina dhul ma iibiyo dekado ma iibiyo , sidii taageeradiisa debed iyo gudaba idinka ayaa la iga baahanyahay.”Ayuu yidhin Dr Maxamed Cismaan Fadal.

Geesta kalena waxa isna kulankaasi ka haddlay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xildhibaan C/qaadir Jirde isagoo sheegay in heshiis ku sheega wareejinta dekada Berbera aan golaha la horkeeni wax cad oo qaran, balse waxa uu sheegay in shan waraaqood la keenay golaha “nalooma keeni wax cad oo qoran shan xaashiyadood ayaa naloo keenay waxa saxeexay sarkaalka xukuma shirkada DPWORD , sarkaal-kii dhigiisa ahaa waa Cali xoor xoor, lakiin Cali xoor xoor muu saxeexin”Ayuu yidhi Guddoomiye C/qaadir Jirde.

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI ayaa Ugu dambayntii kullnakaasi dhexmaray saraakiisha Xisbiga WADDANI iyo jahliyada reer Somaliland soo gunaanaday waxaana kamid ahaa haddaladisii “Xisbigu cidna uma xidhna, xisbigu waa Somaliland ka DHAHAR ka yimi ka Badhan ka yimi iyo ka Laasqoray ka Tuka Raq ka yimi ka Laascanood ka yimi iyo ka Saylac ka yimi waaxnu doonaynaa inuu Xisbiga qayb ka noqdo”Ayuu yidhi Musharax Cirro.

Isagoo haddalkiisa sii wata wuxuu intaasi ku darayi “Xisbigu waa xisbiga doonaya inuu Somaliland bad-baadiyo waa xisbiga doonaya inuu rajada soo celi, markaa waxaan is leeyahay muwaadin kasta waa ku waajib inuu taageero Xisbiga WADDANI,waa xisbigii doonayey inuu Somaliland hantideeda bad-baadiyo, waa xisbiga qudha ee soo bandhiga barmaamij cad oo siyaasi ah oo siyaasadii uu abaarta wax kaga qaban lahaa la yimi oo tii uu dhalinyarada wax kaga qaban lahaa la yimi oo kii uu tahriibta wax kaga qaban lahaa la yimi”Ayuu ku soo afmeeray Musharax Cirro haddalkiisa.

Hoos kala baxa lifaaqa muuqaalka warka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.