Madaxweyne Maamulka Koonfur-galbeed oo kulan la qaatay wafdi uu hoggaaminayo James Swan

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Amb James Swan sidoo kalena ay qeyb ka ahaayeen Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha soomaaliya iyo diblomaasiyiin kale.

Kulanka Madaxweynaha iyo Saaxiibada Beesha Caalamka inta uu Socday waxaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka, Amniga & sidii loo dardar gelin lahaa Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.

Amb James Swan ayaa sidoo kale Madaxweyne Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ku amaaney kaalinta dhex dhexaadineed ee uu ka dhex wado Khilaafka Madaxda ugu sareysa dalka si Xasilooni siyaasadeed loo helana, uu sii wado dadaalkiisa xal raadinta.