Madaxweynaha JSL Oo Ka Qeyb-galay Munaasibada Qalin-jabinta Dufcadii 18aad Ee Jaamacada Hargeysa

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb-galay Xaflada Qalin-jabinta dufcadii 18aad ee Jaamacada Hagreysa oo ay ka qalin-jabiyeen 1,157-Arday kuwaasi oo dhamaystay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacada.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu horaynba hambalyo u diray ardayda kala duwan ee dhamaysatay kulliyadaha waxbarasho waxaana uu yidhi Madaxweynuhu “Waxaan hambalyeynayaa ardayda qalin-jabinaysa, waalidka kusoo tabcay bahda waxbarashada gaar ahaan Jaamacada Hargeysa iyo Madaxdeeda oo dhan, waxaan ku hambalyeynayaa Xaflada qiimahaa leh (1,000) kun Jaamici ee maanta kusoo kordhay aqoonyahanka Somaliland ee Hambalyo”.

Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in horumarka Somaliland uu ku jiro wada jirka ummadda iyo hoggaankooda waxaana uu yidhi “Walaalayaal in shaqo la helo in caafimaad la helo in horumar la helo waxay ku xidhan tahay in talo wanaagsan la helo, talada wanaagsan ee maanta Somaliland maraysaa waxaa weeye, sannadka u danbeeyey guulaha Somaliland ay gaadhay waxa kamida inay maanta halkan wada joogaan oo ay tartan galaan oo ay kala badiyaan oo ay haddana is hambalyeeyaan, Axsaabta Somaliland iyo madaxdoodu iyagoo walaalo ah oo midaysan oo dalka hoggaaminaaya, in badan oo jaarkeena ah ama Geeska Africa ah ayaan taa haysan murcaarid iyo muxaafid waa wada Somaliland”.

Waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay dhalinyarada inaanay ku kadsoomin xifaaltanka siyaasadeed “Dhammaanteena waxaa laga rabaa gaar ahaan da’ayarta inaanay marmarka qaarkood xafiiltanka siyaasada ku qaldamin ee yoolkeenu ahaado Somaliland mid ah, horumarta, walaalnimo oo aan kala qoqobnayn, haddaad taariikhda dib u raacdo Somaliland markasta oo marxalad adagi ku timaado Ilaahay wuxuu waafajiyaa talada toosan”.

Dhanka kalena waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadnaqay Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda doorkooda lex-jeclo iyo hannaanka doorasho ay galleen “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda, mucaaridku markasta wuxuu tirsanayaa inaanu waxba haynin in la riixayo in la gacan bidixaynayo waxaan aad ugu mahad naqayaa inay soo adkaysteen, doorashadii aqbaleen oo ay soo galeen waliba ay guulo gaadheen oo xilkii nala wadaagaan oo ay qeybtooda hayaan oo aan leeyahay waxaa laynaga wada rabaa intaad haysaana inay wanaag muujiso, wax ka fiican waxaanu hayno inaad keentaan baanu idinku dhiirinaynaa dalkana aan wada dhisno, sidaas uun baan horumar ku gaadhi karnaa”

Ugu danbayntiina wuxuu qadaf iyo meel ka dhac ku tilmaamay dadka Xamar lagu uruuriyo ee sheegta magaca Somaliland oo uu Madaxweynuhu sheegay inay nabar ku tahay qaranimada Somaliland, waxaana uu dhalinyarada u hogga-tusaaleeyey inay waddankooda ku difaacaan maskax iyo maal intaba “Ragga jooga Xamar ee maalin walba yidhaahda Baarlamaankii Somaliland Xamar ba ku shiraaya waa nabar inagu yaalla, waa wax aan la qaadan Karin waa meel ka dhac, waxaan idinka doonayaa dhalinyarada maanta qalin-jabisay iyo kuwii ka horeeyey iyo kuwa ka danbeeya in marka qarannimada ciddi daarta inaad noqotaan ciidanka u horeeya ee maskax iyo maal iyo nafba u huraaya sidaas uun bay Somaliland ku jiri kartaa, mar labaad baan u hambalyeynayaa dhalinyarada qalin-jabinaysa iyo waalidkaba mustaqbal wanaagsan iyo aakhiraba baan idiin rajaynayaa”.

Geba-gebadiina Madaxweynuhu waxa uu Shahaadooyin iyo Billado guddoonsiiyey Ardaydii horumuudka u ahayd Kulliyadaha kala duwan Jaamacada. Sidoo kalena waxa uu dhagax dhigay dhismaha xarunta akhriska jaamacada Hargeysa oo ay dawladda hoose Bixinayso kharashka ku baxaya, waxaanu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme dabaq ah oo ay shirkada Somtel u dhistay una qalabaysay Jaamacadda Hargeysa oo ah laab.

Wa-bilaahi Tawfiiq