Madaxweynaha JFS oo ergo madaxweynayaal ah u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha JFS mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo oo ergo madaxweynayaal ah u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo ka arrinsaday Madaxda ka maqan Shirka

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokar Dubbe oo ka war-bixiyey Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ergo u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee aan weli ku soo biirin Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in shirka oo albaabadu ay u xirnaayeen maanta diirradda lagu saaray maangalnimada sababaha ay ku maqan yihiin Madaxweyneyaasha, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, iyadoo Madaxdu ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dhaqangelinta heshiiska doorashooyinka 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ergo ahaan u diray Madaxweyneyaasha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, si ay ula kulmaan Madaxda ka maqanaa shirka, ayna u la wadaagaan muhiimadda ay leedahay in ay gutaan doorkooda kaga aaddan qabsoomidda doorashooyinka”

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dulqaataan maadaama shirku uu socdo muddo, taas oo ay sababtay duruufaha ku xeeran iyo dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan fulinta heshiiskii Doorashada ee 17-ka Sebtember.