Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Shaacinta 12 Murashaxa Borama kaga Qayb-galay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka  ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe,  iyo wafti u hoggaaminayo ayaa maanta ka  qayb galay munaasabad lagu shaacinayay 12 murashax oo isugu jira wakiilada iyo degaanka oo ka xafladayntoodu ka qabsoontay magaalada Borama.

Munaasibada shaacinta murashixiintan ayaa la qabsoontay Hutel Saw ee magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Dadkii ka soo qayb galay munaasibadii shaacinta 12-kan murasharax ayaa a la soo koobay xaaladda xannuunka safmarka ah ee Covid-19 darteed.