Israsaasayn Dhexmartay Ciidamado Ka Wadda Tirsan Maamulka Puntland iyo Khasaare Ka Dhashay

Boosaaso – (warsoor) – Ciidamada Ilaaladda xabsiga magaaladda Boosaaso iyo ciidamada ilaaladda maamulka Puntland waxaa dhexmaray dagaal socday muddo nusa saac ku dhow, waxaan ka dhashay khasaare.

Dagaalkan dhexmaray labadda ciidan waxaa ku dhintay laba qof oo rayid ah, halka laba askarina ay ku dhaawacmeen. Dagaalka ayaa dhacay ka dib markii uu muran soo kala dhex galay xubno ka mid ah maamulka Puntland oo doonaayey inay booqdaa xabsiga dhexe ee magaaladda Boosaaso balse waxaa iska hortaagay ciidamada ilaaladda xasbiga, halkaasi oo ay ka bilaabantay israsaasayntu.

Ciidamadda Ilaaladda xabsiga dhexe ee Boosaaso ayaan muddo dhawr bilood ah qaadin wax musharax ah, taasina waxay keentay inay amardiido kala horyimaadeen maamulka Puntland.

Dhawr jeer oo hore ayey ciidamo gadoodsani qabsadeen xarunta baarlamaanka ee magaaladda Garoobe. Xukuumadda maamulka Puntland ayaa ka cago jiida inay ciidamada siiso mushahaarooyinka, taasina waxay keentaa inay ciidamado amardiido kala horyimaadaan masuuliyiinta iyo maamulka Puntland marka ay ku soo booqdaan xarumaha ciidamada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.