Gudoomiye Xisbul Xaakimka KULMIYE Oo Xaflad Sagootin ah Loogu Qabtay London

UK, London – (warsoor) – Jaaliyadda Somaliland ee boqortooyadda Ingiriiska ayaa xaflad sagootin ah oo si weyn loo soo agaasimaya u qabtay gudoomiyaha xisbul xaakimka KULMIYE Md. Muuse Bixii Cabdi oo wefti balaadhan oo wehelinaayey oo qayb ka ahaa safarkii madaxweynaha ee UK.

Xafladan oo ay ka soo qayb-galeen dad ka badan 800 qof ayaa waxaa lagu soo badhigay taageeradda buuxda ee jaaliyaddu u hayso hogaanka xisbiga KULMIYE.

Xafladdan waxaa ka hadlay masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan hogaanka xisbiga KULMIYE ee dalalka Yurub waxaanu ka soo qayb-galayaasha ku dhiiri galiyeen inay xoojiyaan taageeradda ay hogaanka xisbiga u hayaan.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna musharaxa madaxweynaha ee xisbiga oo ka hadlay kulankaasi oo u mahadnaqay jaaliyadda reer Somaliland ee soo dhawaynta balaadhan ugu sameeyey weftiga xukuumadda iyo xisbiga ee ku sugnaa mudda todobaadka ah dalka UK.

Gudoomiyaha ayaa taageerayasha ee xisbiga KULMIYE ula dardaarmay inay si weyn ugu diyaar garoobaan ka qayb-qaadasha hawlaha u diyaar-garowga doorashadda ee xisbiga.

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn ugu nuuxnuuxsaday xaaladda siyaasadda dalka halka ay marayso, arimaha bulshadda iyo hawlaha u qorshaysan xisbiga KULMIYE, haddii mar kale loo doorto hogaanka dalka.

Halkan ka Daawo Khudbadii uu Gudoomiye Muuse Biixi U jeediyey jaaliyadda UK:

muuse_wefti_uk muuse_wefti_uk2 muuse_wefti_uk4

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.