Forex la sheego ma Sheekadii Daanyeerkaa:-

Hadda ka hor waxaa jiray Tuulo yar oo ay ku noolaayeen Daanyeero fara badan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nin Ganacsade ah yimid tuuladii, si uu u soo uga iibsado Daanyeero. Wuxuuna dadkii ku yiri “Qofkii ii keena hal daanyeer waxaan siin doonnaa $100.”

Dadka tuulada daganaa oo dhan waxay moodeen in uu waalan yahay Ganacsaduhu. Iyagoo isla dhex maraya ‘Sidee qof uga bixin karaa 100$ hal daanyeer’. Hadana sidaas oo ay tahay, dadka qaar Daanyeero soo qabtey, oo wuu ka gatay.

Warkii wuxuu ku faafay tuulada si xad dhaaf ah. Dadkii oo dhanna waxay bilaabeen in ay shaqooyinkii kale oo dhan joojiyeen, oo soo qabashada daanyeer shaqo ka dhigtaan. Dhowr maalmood ka dib daanyeeradii oo sii yaraanaya awgeed ayuu hadana Ganacsadihii ku dhawaaqay inuu ku iibsanayo daanyeerkiiba 200$.

Xitaa kii tuulada ugu caajiska badnaa oo ma shaqaystaha ahaa waxuu bilaabay in uu daanyeer soo raadi. balse markaan daanyeeradii tuulada waa ka dhamaadeen.

Iyagii oo la’ meel ay Daanyeer ka keenaan ayuu hadana Ganacsadihii sidii hore oo kale mar kale dhawaacay. Markaan waxuu wuxuu ku dhawaaqay inuu asbuuc maqnaanaya, markii uu soo laabtana halkii Daanyeer uu ku iibsanayo $1000.

Wuu iska tagay, wuxuuna u sameeyay waardiye illaaliya Daanyeeradiisa. Dadkii aad ayay uga xumaadeen, sababtoo ah waxay waayeen Daanyeer ay ku iib geeyaan $1,000.

Dadkii tuulada dhan oo meel ay wax ka bilaabaan garan la’ ayaa waxa u yimid Waardiyihii Ganacsadaha u ilaalinayay Daanyeerada, wuxuuna u sheegay in uu si qarsoodi ah uga iibin doono daanyeerada midkiiba $700.

Warkii ayaa faafay. Maadaama ganacsaduhu marka uu soo laabto uu ku iibsan doono halkii daanyeer $1,000, dadkii oo dhan waxay iska dhaadhicyeen in ay si hoos hoos ah Waardiyaha uga gataan halkii daanyeer $700. oo ay dib uga iibiyaan Ganacsadaha, sidaasna ay uga faa’iidaan halkii daanyeer $300.

Habeenkii xigtay dadkii tuulada oo dhan waxay Waardiyihii uga iibsadeen Daanyeeradii, iyagoo ka siinaya $700. Kii Cash hayay wuu wada galiyay, kii hanti ma guurto ah lahaana inta soo wada iibiyay ayuu daanyeero ku gatay, kii aan haysanna inta soo daynsaday ayuu ku maal-gashaday Daanyeero.

Haddii asbuuc dhamaaday, Ganacsidhii ma soo laaban, hadana asbuuc kale ayay sugeen, wacadalay ka tahay. Haddii ay daryeeleen daanyeeradii, Ganacsadihiina sugeen muddo balse uu soo laaban waayay waxay bilaabeen in ay soo aadaan halkii Daanyeerada lagu xanaanayn jiray. Balse waxaa lagu wargeliyay in mar hore uu Ganacsaduhu ka guuray, Hadana waxay raadiyeen Waardiyihii, balse waxaa la isku sheegay in uusan tuulada joogin, oo ayaantaas ba aan la arkin.

Tuuladii waxay bilowday in ay Afka-layriso, oo Shiid xun ka dhaco, oo la waayo laba wax kala gadatay, maadama lacagtii oo dhan Ganacsaduhu ka qaatay. Qof walbana dhafoorada qabsado. Maadama ay ogaadeen in ay ku iibsadeen halkii Daanyeer lacag dhan $700. Daanyeerkaas oo aan faa’iido u lahayn , oo kaaga daran aysan haysan cid ka iibsata.

Sheekadan iyo Forex ma isku egyihiin? Ma ogi!

Balse waxaan ogahay in Magaaladan ay ku socoto wadadii Tuulada oo kale, oo ay Afka-layrin doonto, cid wax kala gadatana la wayn doonno.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.