Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo La Kulmay Kooxda Kubbadda Cagta Ee SINDO UNITED

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ciyaaryahannada kooxda kubbadda cagta ee kooxda SINDO UNITED oo ka dhisan waddanka Kenya oo maalmihii ugu danbeeyey kulammo kubbadda cagta ah la qaadatay kooxo kala duwan oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu si gaar ah u hambalyeeyey masuuliyiinta wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Ciyaaraha  iyo masuuliyiinta safaaradda Somaliland ee Kenya oo madasha ku sugnaa, isaga oo kooxda ka socota dalka Kenya-na ugu xog-warramay xaaladda guud ee dalka iyo nabadda taalla dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kooxda kubbadda cagta ee SINDO UNITED oo kamid ah kooxaha heerka koowaad ka dhisan dalka Kenya, ayaa muddadii ay Somaliland  ku sugnayd kulamo ciyaareed la qaadatay kooxo dhiggooda ah oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Boorama, waxana ay maantaba ku laabteen dalkoodii Hooyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.