Ciidanka Dabdemiska Caasimada Oo Hawlgal Balaadhan Oo Nadaafadeed Ka Fuliyaya Qaybo Ka Mida Caasimada Magaalada Hargeysa 17 May

Hargeysa – (warsoor) – Ciidanka Dabdemiska Caasimada oo hawlgal balaadhan oo Nadaafadeed ka fuliyaya Qaybo ka mida Caasimada Magaalada Hargeysa Maalinimada 17 May awgeed iyadoo Madaxweynaha Somaliland uu amar ku bixiyay in Xuskii 18 May loo baddalo Maalin Qaran oo lagu sameeyo Qaadhaan uruurin, Nadaafad iyo hawlaha qaranka loo dhaqaaqo.

Iyadoo amarkaa ciidanka Dabdemisku fulinayo ayaa waxaa subaxnimadii saaka ciidanku hawlgalo balaadhan ka fuliyeen Degmada Maxamuud Haybe gaar ahaan waddada weyn ee tagta Madaarka Caasimada Hargeysa, waxaana halkaa kaga nadiifiyay dhamaan waxyaabihii qashinka ahaa ee hareeraha waddada yaalay. waxaana hawlgaladani ka qayb qaadanayay maamulka sare ee ciidanka dabdemiska Agaasimaha Fulinta, Taliye Ku Xigeenka, Hogaanada iyo hawlwadeenada kala duwan ee ciidanka dabdemsika oo dhamaantood heegan u ahaa sidii ay caasimada uga dhigi lahaayeen caasimad la tartanta Caasimadaha Caalamka.

Guud ahaana waxaa Ciidanka Dabdemisku ka hawlgalay Xaafada Dumbluq, Jameeco Weyn, Schoolka Maxamuud Axmed Cali, Xaafada Calaamadaha iyo Ilaa inta laga gaadhayo Airportka Magaalada Hargeysa oo dhamaantood ku teedsan waddada halbawlaha ah ee tagta Madaarka Magaalada Caasimada Hargeysa.

Sidoo kale waxaa Ciidanka Dabdemisku Samaynayeen olale wacyigelina oo dadka lagaga wacyigelinayay inay u soo baxaan olalaha nadaafada ee Heer Qaran, iyadoo wakhtigana aynu ku jirno wakhtiyadii xilli roobaadka isla markaana loo baahanayahay in laga taxadaro waxyaabaha keeni kara caafimaad darrada.

Dhaka kale waxaa iyaguna dhankooda heegan buuxa ku jiray maamulka sare ee ciidanka dabdemiska oo aan mar ka nasan hawshan nadaafadeed iyo sidii ciidanka iyo shacbiweynaha caasimadu iskaga kaashan lahaayeen in magaalada laga nadiifiyo qashinka.

Ugu Dambayn ciidanka Dabdemiska ayaa heegaankaa ku jiri doona waxaana Xuska Maalinta 18 May iyadana la samayn doonaa Dhir beeris iyo Nadaafad labada.

Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska.

Hargeysa/ Somaliland

990- Emergency Call

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.