Ciidamada Amaanka New York oo Dhaawacay Nin Amaanay Bin Ladan oo Argagixiso Lagu Tuhmay

USA – (warsoor) – Nin dhalasho ahaan ka soo jeedda Afgaanistaan oo Salaasadii ay xukun ku riday maxkamadda federaalka Maraykanka, ka dib markii lagu helay inuu hubka wax gumaada doonaayey inuu ku qarxiyo magaalooyinka New York iyo New Jersery, ninkan oo ku hanjabay inuu geysan doono  weerar lagu hoobto, waxaanu sidoo kale amaan u jeediyey Osama Bin Laden.

A still image captured from a video from WABC television shows a conscious man believed to be New York bombing suspect Ahmad Khan Rahami being loaded into an ambulance after a shoot-out with police in Linden

Ninkan laga shakisan yahay oo lagu magacaabo Axmed Khan Rahami ayaa la sheegay inuu e-bay ka iibsaday walxaha qarxa, ka dibna uu iska duubay muqaal uu ku tijaabinaayo walxahan, waxaa uu sidoo kale laga helay ninkan isagoo sita nuqul wargeys ah oo muujinaaya Gawraca Maraykanka ee mujaahidiinta ee Afgaanistaan, Ciraaq, Suuriya iyo Falastiin.

Nikan dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Afgaanistaan ayaa dalka Maraykanka yimid isagoo 7 jir ah, waxaan nuqulkan wargeys oo uu sitay ku qoray, “Insha Allaah, waxaa wadooyinka laga maqli doonaa dhawaaqa qaraxyadda. Waxaan toogan doonaa booliskiina, waxaad ugu dhiman doontaan si aad ah”.

Sida uu sheegay Taliyaha Booliska New York, James O’Neill, ciidamada booliska ayaa dhawr xabadood ku dhuftay Rahama ka dib markii uu ooda rasaas kaga qaaday ciidamada Booliska isniintii, waxaana loo taxaabay xabsiga. Xaaladiisa ayaa la sheegay in darnayd, balse Salaasadii ayaa la shaaciyey in xaaladiisa caafimaad ay dagan tahay.

Xeer ilaaliyayaasha federaalka ee magaalooyinka New York iyo New Jersey ayaa afar jeer ilaa lix jeer xukuno kala duwan ku kala riday.

Axmed Khan ayaa la sheegay inuu marar badan miinooyinka ku rakibay meelo kaall duwan oo ka tirsan magaalooyinka New York iyo New Jersey balse ciddi waxba kumay noqon.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.