Siideynta la haystayaasha iyo maxaabiista oo billabatay kadib xabbad-joogintii Xamaas iyo Israa’iil

JERUSALEM / WASHINGTON – (WARSOOR) – Waqti ay xabbad-joojin ka dhaqan gashay Gaza ayaa madaxweyne Joe Biden Jimcihi uu qaatay qeyb ahaan doorkiisii uu ku lahaa wadaxaajood lagu sii daayo la haystayaasha Xamaas gacantooda ku jira iyo Maxaabiista Israel ay hayso, waxuuna sheegay inay tahay “natiijada diblomaasiyadda ballaaran ee Mareykanka.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in asaga iyo kooxdiisu ay toddobaadyo ka shaqeynayeen joojinta dagaalka, sidoo kalena ay cadaadis ku saarayeen in gargaarka bini’aadantinimo loo oggolaado Gaza iyo waliba sii deynta dadkii ay Xamaas ku afduubatey Israel 7-dii Oktoobar.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Qatar, Masar iyo Israel heshiiska horseeday in la sii daayo qaar ka mid ah maxaabiistii Xamaas ay qafaasheen.

“Kaliya waa bilow laakinse, ilaa hdda, si fiican ayey wax u socdaan” ayuu yidhi madaxweyne Biden.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap