Mareykanka iyo UK oo ‘cunaqabateyn kusoo kusoo rogaya shakhsiyaadka taagera Xamaas’

MARAYKAN – (WARSOOR) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka oo kaashanaya UK ay cunaqabateyn kusoo rogayaan shakhsiyaadka iyo hay’daha taageera Xamaas iyo ururka Islamic Jihad ee Falastiin, sida uu ku sheegay qoraal uu Talaadada maanta ah soo dhigay bartiida X oo hore u aheyd Twitter.

“Mareykanka oo kaashanaya Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn ku soo rogaya shaqsiyaadka iyo hay’adaha taageera Xamaas iyo kooxaha argagixisada ah ee Islamic Jihad ee Falastiin. ayuu yiri Blinken.

“Waxaan sii wadeynaa la shaqeynta saaxiibadeenna iyo xulafadeenna si aan u carqaladeyno waddooyinkan maalgelinta argagixisada.” ayuu Blinekn ku yiri qoraalkiisa.