Sii hayaha Raiisal Wasaaraha Somaliland oo Magacaabay Guddi

MUQDISHO – (WARSOOR) – Degdeg Mudane Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar” Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS ayaa magacaabay Guddiga Baarista Dhacdada Shaqaaqadii 10/08/2020 ka Dhacday Xabsiga Dhexe oo ah sidatan:

1- Mudane Xasan Xuseen Xaaji​ Wasiirka Cadaaladda​ Guddoomiye
2- Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud​ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka​ Xubin
3- S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed​Taliyaha Ciidanka Booliska​ Xubin
4- S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan​Taliyaha Ciidanka Asluubta​ Xubin
5- S/Guuto C/llaahi Buulle Kameey​Xeer-ilaaliyaha Guud ee
Maxkamadda Ciidamada​ Xubin
6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan​ Taliyaha Hoggaanka Baarista
Dambiyada (C.I.D.)​Xubin

Xilka iyo Waajibaadka Guddiga:

1- Waxa xubnaha Guddiga sare ku xusan la farayaa in ay deg deg u hawl-galaan, una guda-galaan barista dhacdadaas, kana keenaan gub-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan.

2- Guddiga waxa la farayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda in ay si joogta ula socod-siiyaan Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha barista ay wadaan.

3- In hawshan Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban (10) casho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda warqaddan.

4- Guddigan hawshiisu waxa ay ku ekaan doontaa marka baaristu soo gaba-gabowdo.
5- Guddigan waxa uu magacaaban karaa Guddi-hoosaad Farsamo oo u fududeeya waajibaadka loo igmaday.?iswaydii maxuu baarayaa gudigan?kuwii inla baaro ayahayed ayaaba kujira “#hon abdifitah hassan