Madaxa Fayo-dhawrka Caafimaadka Oo Ka Warbixiyey Kormeer Ay Ku Soo Mareen Dugsiyada

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxa fayo-dharwrka iyo xiidhiidhiinta cuduraha faafa ee xuduudaha iskaga gudba ee wasaaradda caafimaadka Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma), ayaa ka warbixiyay kor meer ay ku tageen dugsiga sare ee Salaama, kaas oo ku saabsanaa sidii ardayda looga wacy’gelin lahaa ka feejignaanta xannuunka Covid-19.

Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakuuma) oo u waramaaya wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in kormeerkaas oo maal-mihii u dambeeyay ay ku guda-jireen ay ku soo mareen dugsiga sare ee Salaama, iyada oo ay ardayda u gudbiyeen fariimo ku saabsan talooyinkii ay soo saareen guddida heer qaran ee xakamaynta xannuunka Coronavirus, taas oo u jeedadu tahay in ardaydu ka feejignaadaan halista xannuunka Covid-19.

Madaxa fayodharwrka iyo xiidhiidhiinta cudurada faafa ee xududaha iskaga gudba ee wasaaradda caafimaadka Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma), oo ay kormeerkaas ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashadu wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan kormeerkaas, isla markaana ay gaadhi doonaan dugsiyo kale, si ay ugu gudbiyaan fariimahaas caafimaad.

Cabdiwahaab Nakruuma waxa uu bulshada Somaliland iyo ardayda dugsiyada u soo jeediyay inay raacaan talooyinka wasaaradda caafimaadka, si bulshadeenu uga badbaado xannuunka Covid-19, oo dalal badan oo adduunka ah ku laba kacleeyay.