Shirkii Golaha Wasiirkadda Somaliland oo Lagu Soo Bandhigay Heshiiska Dekedda Berbera Inta Uu Leeg yahay

Hargeysa – (warsoor) – Shirkii Golaha wasiirkadda Somaliland oo maanta oo khamiisa ka qabsoomay qasriga madaxtooyadda Somaliland oo uu shir gudoominaayey ku-simaha madaxweynaha Somaliland ahna madaxweyne ku-xigeenka dalka ayaa lagaga hadlay heshiiska ay todobaadkan horaantiisii dawladda Somaliland la saxeexatay shirkadda Dubai ports.

Shirkaa Golaha wasiiradda waxaa warbixin laga dhagaystay wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta Qaranka Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe).

Shirkii_Golaha_Wasiiradda_Somaliland

Wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskani uu ka baaxad weyn yahay sida la moodayo, kuna koobnayn dekeda oo qudha, balse uu ka sal balaadhan yahay.  Waxaa kale oo uu sheegay in mashruucani uu u qaybsan yahay saddex weji, kuna baxayso adduun dhan 442 Milyan oo doolar saddexda wejiba, kuwaasoo kala ah balaadhinta iyo dayactirka dekeda Berbera, oo marka hore la xoojinayo awooda dekeda hadda jirta, iyo laba weji oo kale oo lagu balaadhinayo, jiido cusubna loogu dhisayo dekedda.

Washiirka ayaa sidoo kale sheegay in la tayeynayaa, horumarina lagu samaynayaa beeraha, xoolaha iyo Kalluunka, iyadoo dhamaantoodba waxa ka soo baxana loo diyaarinayo suuqyo lagu iibsado oo gudaha iyo dibedaba ah. Shaqaalayn looga furo Somaliland muwaadiniinteeda suuqyada dalka Imaaraadka carabta, iyadoo dad badan oo reer Somaliland ahi ay u shaqo tegidoonaan dalkaasi. Shaqaalaha Somaliland gudeheeda ka shaqaynayana ay tababaro iyo xirfadohooda oo kor loo qaado ka helidoonaan dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Waxa kale oo ka mida qodobada lagu heshiiyey, dhinaca tamarta oo aad looga kobcindoono Somaliland oo ay ka mid tahay korontada noocyada kala duwam laga dhaliyo sida cadceeda iyo dabayshaya. Goobo kaydka shidaalka ah oo ay ka faaiidaysan doonaan Somaliland iyo dalalka bariga Afrika oo laga hergelinayo Somaliland, goobo ganacsiga xorta ah oo laga hirgelin dooono dekedda caalamiga ah ee berbera oo ay isticmaalidoonaan shirkado caalamiyi ah oo imika isticmaala dalka imaaraadka carabta qaar badan oo ka mid ahina imandoonaan soona degidoonaan Somaliland.

Heshiiskani waxaa kale oo uu saamixi doonaa in dekedo kale oo ku yaala Somaliland la dhiso marka la hirgeliyo dekedda Berbera  dhismeheeda inta badan, iyagana dekedda kale ee Somaliland wax laga qaban doono.

Waxa intaa dheer waddooyinka isku xidha Berbera iyo Tog-wajaale oo horeba loo waday loona yaqaano Berbera Corridor oo ay dhismeheeda ka qaybgelayaan Imaaraadka carabtu,  iyo Hoteel balaadhan oo laga hirgelindoono dalka.

Sidaa awgeed heshiiskaasi wuxuu noqonayaa heshiiskii  ugu weynaa ee Somaliland iyo Caalamku wada galaan ee ka hirgala Somaliland rubuc qarnigii la soo noqoshada mdax-banaanida Somaliland, noqonna doonto faaiidadiisu mid gaadha dalka iyo dadka Somaliland, iyo mandaqada oo dhan.

Xubnaha golaha wasiiradu waxay bogaadiyeen heshiiska taariikhigaa ee weftiga madaxweynuhu hogaaminayaa ay hirgeliyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.