Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo dib u dhacay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Shirkii madaxda Qaranka iyo madaxda dowlad goboleedyada ee lagu waday maanta inuu qabsoomo ayaa dib loo dhigay.

Shirka ayaa dib loogu dhigay sabab la xiriirta madaxweynaha Galmudug oo safar degdeg ah ugu baxay Galmudug,waxaana madaxda la filayaa in ay shirka isugu laaban doonaan maalinta berri ah oo 7-da bisha ku beegan.

Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalintii sabtida ee la soo dhaafay Muqdisho ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhamaystirka Arimaha Doorashooyinka, oo ay goob joog ka ahaayeen, Ra’iisul wasaaraha XFS ,Madaxda maamul gobolleedayda dalka iyo maaamulka gobolka Banadir.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap