Guddiyada Ka Hortagga Xanuunka Covid-19 Iyo Abaaraha Oo Kulan La Qaatay Ganacsatada Dalka.

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddiyada ka hortagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19 iyo Abaaraha, ayaa xalay kulan ballaadhan la qaatay ganacsatada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay xubnaha guddiyada ka hortagga iyo u diyaargarowga xanuunka Covid-19 iyo Abaaraha oo uu guddoominayo madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida ka hortagga xanuunka Covid-19, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo ganacsatada heerarka kala duwan ee dalka, waxana lagu lafo-guray sidii wada-jir laysaga kaashan lahaa xaaladaha abaaraha iyo xanuunka COVID-19 oo culays badan ku haya nolosha bulshada Somaliland.

Ugu horrayn Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa ganacsatada uga warbixiyey halka ay marayso xaaladda xanuunka Covid-19, iyo sida ay wasaaraddu u maaraysay tallaalkii dalka la keenay, waxana uu caddeeyey in loo baahan yahay tallaal cusub oo bulshada loo raadiyo, taasina u baahan tahay talo ballaadhan oo ganacsatada, xukuumadda iyo shacabka kaleba ka yeeshaan sidii dalka loo keeni lahaa tallaal.Maareeyaha hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka raashinka qaranka, Mudane Faysal Cali Sheekh, ayaa isaguna ku dheeraaday heerka ay gaadhsiisan tahay abaarta baahsan ee dalka ka jirtaa, waxana uu tilmaamay in baahi loo qabo sidii uu qaranku gacmaha isugu qabsan lahaa la tacaalista biyo yaraanta jirta iyo u gargaaridda dadka tabaalaysan ee abaartu taabatay.

Qaar kamid ah golaha wasiirrada oo madasha hadallo kasoo jeediyey, ayaa ganacsatada iyo guud ahaanba bulshada kale ee muxsiniinta ah usoo jeediyey inay qayb libaax ka qaataan sidii loo heli lahaa dhaqaale qaranku ku waajaho dhibaatooyinka is-barkan ee xanuunka Covid-19-ka iyo abaaraha dalka ka jira.Xubno kamid ah ganacsatada waaweyn ee dalka oo iyaguna hadalka u kala dambeeyey, ayaa soo jeediyey talooyin is-kaashi oo lagaga dabbaalan karo dhibaatooyinka ay bulshada u geysteen xanuunka COVID-19 iyo abaarta baahsani, waxanay caddeeyeen inay ganacsato ahaan diyaar u yihiin inay qaybtooda ka qaataan dhaqaale kasta lagu samato-bixinayo dadka iyo duunyada dhibaataysan.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee ka hortagga iyo u diyaargarowga xanuunka Covid-19 oo kulanka soo afmeeray, ayaa ganacsatada uga mahadnaqay niyad-wanaagga iyo heellanaanta waddaniyadda leh ee ka muuqata iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in dhaqaalaha ay hayaan kaga qayb-galaan la tacaalista Aafooyinka abaarta iyo xanuunka Covid-19 ee dalka ka jira, waxana uu caddeeyey in xukuumadda iyo ganacsatada oo isku duubani si midaysan u wajihi doonaan xaaladdan haatan taagan oo ah mid u baahan in gacmaha la is wada qabsado.