Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhameystirka Arimaha Doorashooyinka Soomaaliya oo Wali Socda

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa maalintii saddexaad galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhameystirka Arimaha Doorashooyinka Soomaaliya xili ay wali ka maqan yihiin shirkaasi maamul-goleedyadda Puntland iyo Jubbland.

Wasiirka warfaafinta xukuumaada federaalka ee Soomaaliyaa ayaa ka warbixiyey hab-sami socodka shirka, waxaanu sheegay in shirku uu si fiican u socda.

Wasiirk ayaa ugu baaqay dhinacyadda shirka ka maqan inay ka soo qayb-galaan shirka.