“Haddii Aanu Ila Doodi Karin Ha Iska Dhex Fadhiyo Wasaaradda Uu Xarunta Ganacsi U Beddelay Ee Aanu Aqoonta Iyo Kartida Midna Ku Joogin”..Xoghaye Khadar

Hargeysa -(warsoor)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Khadar Xuseen Cabdi, ayaa mar kale isku ekeeyey hadallo weerar iyo weerar celis ah oo ay isku mariyeen baraha Bulshada kadib markii uu dhawaan Wasiir Cabdillaahi ABokor si gaar ah u bartilmaameedsaday Masuulkan ka tirsan xisbiga WADDANI oo uu ku eedeeyey in uu ku xidhan yahay Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa ugu horayn qoraal uu soo qoray oo uu ku durayey Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan, Dowladda iyo Xisbigeeda KULMIYE waxa uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay mareegta Facebuug qoraal uu ku dhaliilayo Wasiirkan, hadalkasi oo uu Xoghaye Khadar ku daba socday hadalkii uu hore Wasiir ABokor uga sheegay Barnaamijka Qanci Dadkaaga ee HCTV.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Khadar Xuseen Cabdi ayaa qoraalkiisu uu u dhignaa sidan:-“Dawladnimada Xisbiga KULMIYE ee musuqa, caddaalad darrada iyo eexdu sumadda & sowraca u tahay laguma difaaci karo hebello laga been abuurto, Saaxiibkay Cabdillaahi Abokor haddii uu diyaar u yahay in uu dood ku difaaco hoggaaminta fashilantay, hagaastay ee Xukuumadda uu ka midka yahay, ha u soo diyaar garoobo dood uu ila galo oo fagaare ah oo shacbiga Somaliland markhaati ka yihiin. Haddii aanu dooddaas awooddi karayninna ha iska aamuso oo ha dhex fadhiyo uun Wasaaradda uu xarunta ganacsiga u beddelay ee aanu aqoonta iyo kartida midna ku joogin” Ayuu ku yidhi qoraalkaas

Dhanka kalene Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdillaahi Abokor ayaa isna saacado, kadib qoraalkaas kaga soo jawaabay qoraal kale oo lagu baahiyey isla baraha Bulshada,waxaanu sheegay inuu diyaar u yahay doodda uu ku baaqay Xoghaye Khadar, waxaanu u dhignaa qoraalkiisu sidan:-“Saaxiibkay Khadar Faji “ Magac Bilaash uma baxo” Waxaa Marag kuugu filan camalkaaga ee dib isku qiime. Aqoontu maaha article la soo akhriyo lagana akhriyo Mass-media-yaha ee Waa barasho iyo ku dhaqan rasmi ah. Dawladnimadda iyo Wasaaraddaha waa lagaaga Aqoon, Waayo-aragnimo iyo Kartiba badan yahay, Waligaana Kamaad shaqayn Xafiisyada Bixiya Adeegga Dadweynaha, Macal Cunne soo Bixi Doonaa” Waxaan diyaar u ahay Dood- Furan oo caddaynteed leh, Waxaad keeni doontaa caddaymo ku filan difaacaaga” Laba Faras Fuul, Ugu dambayn, waxaan saaxiibkay leeyahay Saaxiibkaana keen goobta, Codkana soo noolee” ayuu ku yidhi qoraalkiisa

Si kastaba ha-ahaatee labadan masuul ee ka  kala tirsan Xukuumadda iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa dhaliilaha iyo hadallada weerarka ah ee ay is dhaafsadeen waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti xaaladda siyaasadeed ee dalku qabawdahay labada xisbi ee ay kala kala tirsan yihiina aanay in muddo ah wax dhaliilo ah hawada isku marin iyada oo mid kastaaba ku mashquusal yahay hawsha culus ee xulista Musharraxiinta u tartami doona Golayaasha Deegaamada iyo Wakiilada oo maalmihii ugu dambeeyey lagu gudo jiro dhammays tirkooda dalkuna isku diyaarinayo doorashada isku sidkan ee Golayaashaasi.

Xoghaye Khadar Cabdi Xuseen ayaa ah shakhsi dhiirran oo dhallinyaro ah in muddo ah oo uu dalka ku maqnaana waxbarasho ku soo qaatay dibadaha halka Wasiir Cabdillaahi Abokor uu isna isu arko baarqab ka tirsan xukuumadda xisbiga KULMIYE oo ay isku dhaw yihiin gaar ahaana ka ag dhaw Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kaasi oo inta badan dhaliila xisbiyada Mucaaridka ah. Fagaarayaashana ka weerara ragga xisbiga KULMIYE dhaliila.