Shirkadda Telesom Oo Tartan Kubbadda Cagta ah u Qabatay Shaqaala waynaha shirkaddaha Telesom Group iyo Kooxda ZAAD oo ku Guulaystay Koobkii

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Telesom ayaa Tartankan kubadda cagta u qabatay shaqaalaha Shirkaddaha Telesom Groupp, waxa uu ka qabsoomay garoonka Power League ee xaafadda Jigjiga yar, ee magaaladda Hargeysa. Tartankan waxaa isku soo dubo riday Xarunta arrimaha bulshada ee Ummah Community Center

Tartantankan waxaa ka qayb-galay galay xil kooxood oo ku kala ciyaaraayey magacaydda, Telesom, ZAAD, Xawaaladda TAAJ, Daara-salaam Baank, SOMGAS iyo TEC.  Tartankan waxaa loo qaybiyey laba Unug. Unug A waxay ahaayeen ZAAD, Daara-salaam Baank iyo SOMGAS. Halka Unug B ay ahaayeen Telesom, Xawaaladda TAAJ, iyo TEC.

Tartankan ayaa socdey muddo 20 maalmood ah, waxaanay ujeeddada tartankani ahayd “Kobcinta iyo Isdhex-galka Shaqaalaha Shirkaddaha Telesom Group”.

Tartankan waxa isku soo hadhay oo soo gaadhay ciyaarta kama-danbeysta (final) labada kooxood ee ku kala ciyaarayey adeegga ZAAD iyo Kooxda Xawaaladda TAAJ. Ciyaartan ayaa qabsoontay  Galinkii dambe ee Jimcaha. Ciyaartan final-ka ah ee dhexmartay labadan kooxood ayaa ahayd ciyaar qurux badan oo xiisabadan, waxaanay soo jiidatay dadkii daawanaayey ciyaartan.  Labada kooxood ayaas oo bandhigay ciyaar quruxbadan oo xirfadeedu aad u sarayso.

Guntii iyo gebogabadii ciyaartii waxay ku soo dhamaatey in kooxda ku ciyaaraysay magaca adeega ZAAD ay ku guulaysteen Koobkii loo dhigay sidaasna ay ku qaadeen kooxbii loo qabtey shaqaale waynaha shirkaddaha Telesom group, dhinaca kale waxa la bixiyey abaal marino, kuwaas oo la siiyey Ciyaaryahankii ugu ciyaarta fiicnaa intuu tartanku socday kaas oo ah , Maxamed  Cabdiraxman Maxamed oo u ciyaaraayey kooxda TAAJ, waxa kale oo abaal marin la guddoonsiiyey ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa kaas oo ah Guleed Maxamed Aaden Gacalle oo u ciyaaraayey kooxda ZAAD-ka, Waxa kale oo abaal marin la guddoonsiiyey Kooxdii ku ciyaaraysay SOMGAS, taas oo loo gartey inay noqotey kooxdii ugu akhlaaqda fiicnayd intuu tartanku socdey.

Tartankan ayaa markii u dhamaaday la qabtay shir jiraa’id waxaana madasha ka hadlay Cadirisaaq Cabdilaahi Cali (Cabdirisaaq Shabeel ), Cabdiraxman Shire, Maxamed Cabdi Darbo, iyo Maxamed Cabdi Giirre. Cabdirisaaq Shabeel oo ku hadlayay afka dhalinyaradii soo qaban qaabisey  ee Ummo Community Centre isla markaana qayb ka ahaa ciyaaryahanadii ka soo qaybgalay tartankan ayaa yidhi, “Runtii tartankan waxaanu ugu talo galnay inay shaqaale waynaha shirkaddaha Telesom group ay isku bartaan isla markaana uu kobciyo caafimaadkooda, tartankani wuxu soo socday muddo 20 cisho ah balse maanta wuxuu ku soo gabagaboobey iney kooxda ZAAD-ku ku guuleysato koobkii, kooxaha kalena waxaan u rajeynayaa inay sannadka danbe dadaali doonaan”

Mr. Darbo oo ku hadlayay afka Telesom Group ayaa isna u  mahadnaqay dhamaan cidii soo qaban qaabisey tartanka loo qabtey shaqaala waynaha Telesom Group, waxaanu si gaara ugu sii mahadnaqay Lixdii kooxood ee ka soo qayb galay tartanka,  waxa kale oo Mr Darbo hambalyo u diray kooxda ku koobka ku guuleysatey iyo kooxda galashay kaalinta labaad.

Waxaa isaguna madashaas ka hadlay Cabdiraxmaan Shire oo ah Maamulaha Adeega ZAAD waxaanu yidhi “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan manta kazoo qayb galo ciyaartii u danbeysay ee labada kooxood ee ZAAD Iyo TAAJ isku arkayeen, waxaan kaloon ku sii faraxsanahay inay koobkii la gudoonsiinayo Kooxdii ku ciyaaraysay ZAAD ee ka mid ahayd Telesom group, Waxa kale oo aad ugu mahadnaqayaa cidii soo qabanqaabisey tartanka lagu dhiirigalinayo shaqaalaha telesom, waa fikrad aad u fiican waana in laga sii horumariyo, kooxihii ciyaaray ee walaalaha ahaa waxaan leeyahay Hambalyo hambalyo”.

Dhinaca kale waxa isaguna ka Hadlay madasha Maxamed Cabdi Giire, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa “Tartankani si fiican ayuu noogu dhamaadey waxaana rajaynaa in halkaas laga sii wado tartanadda noocan oo kale ah, Anagu hadaanu nahay Dara-salaam bank waxaanu rajeynaynaa in sannadka danbe aan koobku ku guuleysano ishaa allaah”.

Guntii iyo gebogabadii tartankii soo socday muddo dhan 20 maalmood wuxuu ku soo dhamaadey iney guushu raacdo Kooxdii ku ciyaareysay Adeega ZAAD.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Shirkadda Telesom Oo Tartan Kubbadda Cagta ah u Qabatay Shaqaale waynaha Shirkaddaha Telesom Group iyo Kooxda ZAAD oo ku Guulaysatay Koobkii

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Telesom ayaa Tartankan kubadda cagta u qabatay shaqaalaha Shirkaddaha Telesom Group, waxa uu ka qabsoomay garoonka Power League ee xaafadda Jigjiga yar, ee magaaladda Hargeysa. Tartankan waxaa isku soo dubo riday Xarunta arrimaha bulshada ee Ummah Community Center

Tartantankan waxaa ka qayb-galay galay lix kooxood oo ku kala ciyaaraayey magacaydda, Telesom, ZAAD, Xawaaladda TAAJ, Daara-salaam Baank, SOMGAS iyo Shirkadda Laydhka ee TEC.  Tartankan waxaa loo qaybiyey laba Unug. Unug A waxay ahaayeen ZAAD, Daara-salaam Baank iyo SOMGAS. Halka Unug B ay ahaayeen Telesom, Xawaaladda TAAJ, iyo TEC.

Tartankan ayaa socdey muddo 20 maalmood ah, waxaanay ujeeddada tartankani ahayd Kobcinta iyo Isdhex-galka Shaqaalaha Shirkaddaha Telesom Group.

Tartankan waxa isku soo hadhay oo soo gaadhay ciyaarta kama-danbeysta (final) labada kooxood ee ku kala ciyaarayey adeegga ZAAD iyo Kooxda Xawaaladda TAAJ. Ciyaartan ayaa qabsoontay  Galinkii dambe ee Jimcaha. Ciyaartan final-ka ah ee dhexmartay labadan kooxood ayaa ahayd ciyaar qurux badan oo xiisabadan, waxaanay soo jiidatay dadkii daawanaayey ciyaartan.  Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar quruxbadan oo xirfadeedu aad u sarayso.

Guntii iyo gebogabadii ciyaartii waxay ku soo dhamaatey in kooxda ku ciyaaraysay magaca adeega ZAAD ay ku guulaysteen Koobkii loo dhigay sidaasna ay ku qaadeen koobkii loo qabtey shaqaale waynaha shirkaddaha Telesom group, dhinaca kale waxa la bixiyey abaal marino, kuwaas oo la siiyey Ciyaaryahankii ugu ciyaarta fiicnaa intuu tartanku socday kaas oo ah , Maxamed  Cabdiraxman Maxamed oo u ciyaaraayey kooxda TAAJ, waxa kale oo abaal marin la guddoonsiiyey ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa kaas oo ah Guleed Maxamed Aaden Gacalle oo u ciyaaraayey kooxda ZAAD-ka, Waxa kale oo abaal marin la guddoonsiiyey Kooxdii ku ciyaaraysay SOMGAS, taas oo loo gartey inay noqotey kooxdii ugu akhlaaqda fiicnayd intuu tartanku socdey.

Tartankan ayaa markii u dhamaaday la qabtay shir jiraa’id waxaana madasha ka hadlay Cadirisaaq Cabdilaahi Cali (Cabdirisaaq Shabeel), Cabdiraxman Shire, Maxamed Cabdi Darbo, iyo Maxamed Cabdi Giirre. Cabdirisaaq Shabeel oo ku hadlayay afka dhalinyaradii soo qaban qaabisey  ee Ummah Community Centre isla markaana qayb ka ahaa ciyaaryahanadii ka soo qaybgalay tartankan ayaa yidhi, “Runtii tartankan waxaanu ugu talo galnay inay shaqaale waynaha shirkaddaha Telesom group ay isku bartaan isla markaana uu kobciyo caafimaadkooda, tartankani wuxu soo socday muddo 20 cisho ah balse maanta wuxuu ku soo gabagaboobey iney kooxda ZAAD-ku ku guuleysato koobkii, kooxaha kalena waxaan u rajeynayaa inay sannadka danbe dedaali doonaan”

Mr. Darbo oo ku hadlaayey afka Telesom Group ayaa isna u  mahadnaqay dhamaan cidii soo qaban qaabisey tartanka loo qabtey shaqaala waynaha Telesom Group, waxaanu si gaara ugu sii mahadnaqay Lixdii kooxood ee ka soo qayb galay tartanka,  waxa kale oo Mr Darbo hambalyo u diray kooxda koobka ku guuleysatey iyo kooxda gashay kaalinta labaad.

Waxaa isaguna madashaas ka hadlay Cabdiraxmaan Shire oo ah Maamulaha Adeega ZAAD waxaanu yidhi “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan manta ka soo qayb galo ciyaartii u danbeysay ee labada kooxood ee ZAAD Iyo TAAJ isku arkayeen, waxaan kaloon ku sii faraxsanahay inay koobkii la gudoonsiinayo Kooxdii ku ciyaaraysay ZAAD ee ka mid ahayd Telesom group, Waxa kale oo aad ugu mahadnaqayaa cidii soo qabanqaabisey tartanka lagu dhiirigalinayo shaqaalaha telesom, waa fikrad aad u fiican waana in laga sii horumariyo, kooxihii ciyaaray ee walaalaha ahaa waxaan leeyahay Hambalyo hambalyo”.

Dhinaca kale waxa isaguna ka hadlay madasha Maxamed Cabdi Giire, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa “Tartankani si fiican ayuu noogu dhamaadey waxaana rajaynaa in halkaas laga sii wado tartanadda noocan oo kale ah, anagu hadaanu nahay Dara-salaam bank waxaanu rajeynaynaa in sannadka danbe aan koobka ku guuleysano ishaa allaah”.

Guntii iyo gebogabadii tartankii soo socday muddo dhan 20 maalmood wuxuu ku soo dhamaadey iney guushu raacdo Kooxdii ku ciyaareysay Adeega ZAAD.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.