Shirkadda Telesom oo Deeq Maaliyadeed iyo Mid Buugaag ah Ugu Deeqday Maktabadda Qaranka Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa deeq lacageed oo dhan $20,000 iyo buugaag lagu qiyaasay lacagtooda $10,000 ugu deeqday  maktabadda Qaranka Somaliland oo maraysay mar-xaladii ugu dambaysay ee dhamaystirkeeda.

Xafladan si weyn loo soo agaasimay oo qaadhaan loogu uruurinaayey kana soo qayb-galeen masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan, ganacsato kala duwan, qurbe-joog iyo marti-sharaf kale duwan. Xafladan ayaa ka dhacday huteel green plaza ee magaaladda Hargeysa habeenimadii Isniinta.

Gudoomiyaha Maktabadda Qaranka Somaliland Md. Axmed-daahir Nuur oo ugu horayn ka hadlay xafladan ayaa ka waramay mar-xaladihii ay soo martay dhismaha Maktabadda waxaanu muqaal-bandhigeed uu ku sharaxay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dhismaha maktabadda, waxaanu sheegay in maktabadda ay dhismaheeda hadda uu yahay 700 mitir oo isku wareeg ah,waxa kaliyaata ee hadhayna uu yahay daaqadihii iyo albaabadii. Gudoomiye Axmed-daahir ayaa sheegay dhulka u banaan Maktabadda oo gaadhaya 4500 oo mitir isku-weer kuwaasi oo laga hirgalin karo dhismayaal kale.

AHMED DAHIR

Gudoomiyaha Maktabaddda Qaranka Axmed-daahir ayaau  mahadnaqay dhamaan bulshadda ka qayb-galay dhismaha maktabadda, waxaana uu tibaaxay ka qayb-galeen jaaliyadaha UK, Sacuudi Carabiya, Qadar iyo jaaliyaddo kale oo badan.

Gudoomiye Axmed-daahir ayaa sidoo kale u mahadnaqay Gudoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariin Maxamed Iid oo uu sheegay inay gudoomiyaha u yahay boodhka Guddida Maktabadda Qaranka door laxaad lehna uu ka qaatay hirgalinta iyo dhaqaajinta dhismaha maktabadda.

Agaasimaha Qaybta Horumarinta Arimaha Bulshadda ee Shirkadda Telesom Md. Cabdiwahaab Maax oo matalaayey shirkadda Telesom ayaa xafladaasi kaga dhawaaqay deeq iskugu jirta lacag iyo buugaag oo ay shirkadda Telesom kaga qayb-gashay xafladan qaadhaan loogu uruurinaayey Maktabadda.

MAAX

“Waxaanu  caawa halkan ka balan-qaadanayaa in aanu bixin doono lacag dhan $20,000 sidoo kale waxaanu ku deeqi doonaan kutub ama buugaag lagu qiyaasi karo ilaa $10,000 oo maktabaddu Insha  Allaahu Tacaalaa la dhigi doono” Sidaasi waxaa yidhi Cabdiwahaab Maax.

Gudoomiyaha Hayadda Diwaan-galinta Sakadda Sheekh Siciid Maxamed Faarax iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed (Dalmar) ayaa iyaguna shirkadda Telesom uga mahadnaqay sida weyn ee ay shirkaddu uga qayb-qaatay dhismaha maktabadda qaranka waxaanay Ilaahay uga baryeen in Ilaahay shirkadda TELESOM barakeeyo.

Shirkadda Telesom ayaa sanadkan 2016 lacago badan kaga qayb qaadatay arimaha horumarinta bulshadda gaar ahaan dhismaha Jaamacadaha, wadooyinka, caafimaadka, waxbarashadda iyo caawimooyinka gaar ah ee bulshadda Baahaan.  Shirkadda Telesom ayaa markastaba kaalinta koowaad ka qaatadda arimaha khayriga ah ee bulshadda iyo xukuumaddu iska kaashadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

MAX MAAXX