Shirkadda Telesom oo Dawladda Hoose Hargeysa Ka Taageertay Bilicda iyo Fayo-dhawrka Waddada Biriishka weyn ee Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa ka taageertay dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa bilicda iyo fayo-dhawrka waddada weyn ee biriishka weyn ee magaaladda Hargyesa.

Dawladda Hoose ayaa bilowday hawl-gal saddex waji ka kooban oo ay doonayso inay kor ugu qaado bilicda wadooyinka ee magaaladda Hargeysa dhexdeeda.

Dawladda hoose ayaa wajiga koowaad oo ay shirkadda Telesom ka wadda shaqaynayaa waxay ciidda iyo qashinka ka nadiifin doonaa wadda weyn ee Biirishka iyo ilaa madaarka isku xidh, waxaanu hawl-galkani socon doonaa muddo saddex habeen ah.

Dawladda hoose ayaa wajiga labaadna kabkab iyo buuxin ku samayn doonta, halka wajiga saddexaadna la dhigi doono wadda casriga ah ee Asfarka ama rooga loo yaqaano.

Munaasibadan ay dawladda Hoose iyo shirkadda Telesom ku bilaabeen barnaamijkan ayaa ka dhacday xarunta guud ee shirkadda Telesom horteeda waxaana ka hadlay xoghayaha dawladda Hoose ee Hargeysa Axmed Maxamed Darajiyo iyo Agaasimaha bilicda iyo fayo-dhawrka ee dawladda Hoose ee Hargeysa Khadar Yuusuf Cali waxaanay shirkadda Telesom uga mahadnaqeen hawl-galkan ay kala qayb-qaadanayso, waxaanay shirkadda kale ee dhigeeda ah ku soo jeediyeen inay dawladda hoose kala qayb-qaataan hawl-galadda noocan oo kale ah.

Halkan ka daawo warkaasi oo dhamaystiran:

dawladda-hoose dawladda-hoose6 dawladda-hoose5 dawladda-hoose4 dawladda-hoose3 dawladda-hoose2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.