Shirkadda Telesom oo Bugaag Ugu Deeqday Maktabadda Qaranka Somaliland

Hargeysa – (TELESOM) – Shirkadda Telesom ayaa bugaag ugu deeqday Maktabadda Qaranka Somaliland (National Library), oo hadda dhismihiisu maraayo meel fiican oo lagu farxo, dhawaana la filaayo inuu madaxweynaha Somaliland xadhiga ka jari doono.

Xaflad kooban oo ka qabsoontay xarunta Maktabadda Qaranka Somaliland oo ay ka soo qayb-galeen maamulka Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom iyo maamulka Maktabadda Qaranka Somaliland maalinimadii Salaasada ee 29 Aug, 2017, waxa lagu kala guddoomay qayb ka mid ah buugaag ay shirkadda Telesom ugu balan-qaaday markii la waday qaadhaan uruurintii dhismaha maktabadda oo ay shirkaddu kaga qayb-qaadatay $20,000.

Shirkadda ayaa maktabadda ugu deeqday buugaag dhan 357 buug iyo 25 CD oo ay ku jiraan xog muhiim ah oo ku saabsan taariikhdii iyo sugaanta dalka.

Munaasibadan ay shirkaddu ku wareejinaysay buugaantan waxaa ka hadlay maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sheegay muhiimadda ay leedahay in shirkaddu ka qayb-qaadato taakuleynta Maktabadda Qaranka.

“Maanta waxaanu halkan ku wareejinaynaa 357 buug oo ah buugaag ka hadlaya Taariikhda dalkan Somaliland soo maray iyo gabayo iyo 25 CD oo iyaguna xambaarsan xog badan oo ummaddani leedahay. Waxaanan leenahay guddoomiye naga guddoon”, sidaasi waxaa yidhi Maxamed Darbo.

Guddoomiyaha Maktabadda Qaranka Somaliland Md. Axmed Daahir Cilmi ayaa shirkadda Telesom iyo guddoomiyaha guud ee shirkaddaba Md. Cabdikariin Maxamed Iid uga mahadnaqay taageerada buuxda ee isaga iyo shirkadduba la garab joogaan maktabadda qaranka Somaliland.

“Runtii waxaa sharaf weyn noo ah in shirkadda Telesom ay runtii Maktabadda ku suntan tahay. Telesom bilowgii ilaa maanta, runtii way nagala shaqaynaysay. Shirkaddaha dalka ugu waaweyn waa shirkadda qudha ee dhaqaale ku darsatay, yacnii wax la qarin karo maaha, waxaana runtii jecelnahay in aanu halkan ka sheegno.”, sidaasi waxaa yidhi Axmed Daahir Guddoomiyaha Maktabadda Qaranka Somaliland.

HALKAN KA DAAWO WARKAN:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.