Dallada SONYO Oo La Kulantay Garabka Dhalinyaradda ee Xisbiga KULMIYE

Hargeysa – (warsoor) — Masuuliyiinta ugu sareeya Dallada Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO oo uu hogaaminayo Gudoomiye Cabdul-casiis Siciid Saalax, Gudoomiye-ku-xigeenka Maxamed Jaamac Siciid, Xildhibaan Bedri, Xildhibaan Khaalid iyo Agaasimaha Fulinta Cumar Cismaan Miigane ayaa Kulan Hadhimo Sharafeed ah u sameeyay Garabka Dhalinyaradda ee Xisbiga KULMIYE oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaradu Cabdi-najax Siyaad Aw-Cabdi. Kulankan oo ka qabsoomay Hudheelka Maamuus ee magaalada Hargaysa ayaa noqonaya kulankii labaad oo ay Masuuliyiinta Dallada SONYO la yeeshaan Garabyadda Dhalinyarada ee Asxaabta Qaranka.

Xogwaraysi iyo xoojinta xidhiidhka dalladda SONYO iyo garabyadda dhallinyarada ee Xisbiyadda qaranka.

In dalladda SONYO iyo garabyadda xisbiyadda qaranku ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida dalka xilliyada ololaha iyo doorashadda.

In dhallinyaradu way horseed u noqdaan maamul-wanaagga iyo dawladnimada iyo habraaca doorashooyinka xisbiyadda qaranka.

  • In garabyadda dhallinyarada ee Xisbiyadda qaranku ka soo qaybgallaan Kal-fadhiga Gollaha Sare ee Hoggaanka Dalladda SONYO kaas oo dhici doonna badhtamaha bisha sagaallaad. Halkaas oo ay ku soo bandhiggi doonaan barnaamij siyaasadeedka xisbiyadda gaar ahaan inta ku aadan dhallinyarada iyo horumarkooda.Xogwaraysi iyo xoojinta xidhiidhka dalladda SONYO iyo garabyadda dhallinyarada ee Xisbiyadda qaranka.
  • In dalladda SONYo iyo garabyadda xisbiyadda qaranku ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida dalka xilliyada ololaha iyo doorashadda.
  • In dhallinyaradu way horseed u noqdaan maamul-wanaagga iyo dawladnimada iyo habraaca doorashooyinka xisbiyadda qaranka.
  • In garabyadda dhallinyarada ee Xisbiyadda qaranku ka soo qaybgallaan Kal-fadhiga Gollaha Sare ee Hoggaanka Dalladda SONYO kaas oo dhici doonna badhtamaha bisha sagaallaad. Halkaas oo ay ku soo bandhiggi doonaan barnaamij siyaasadeedka xisbiyadda gaar ahaan inta ku aadan dhallinyarada iyo horumarkooda.

Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga KULMIYE Cabdi-najax Siyaad Aw-Cabdi ayaa Dallada SONYO uga mahadceliyay casuumadda ay u fiddaysay  sidoo kale wuxu ballanqaaday in Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga KULMIYE uu SONYO kala shaqaynayo arrimaha ku saabsan wacyigelinta dhallinyarada ee doorashadda iyo doorka dhallinyaradu ku leeyihiin xisbiga waddani.

Dallada SONYO ayaa hore Kulan noocan oo kale ah la yeelatay Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Wadaani, kulmadani waxay hordhac u yihiin kulamo joogta ah oo ujeedooyinkoodu yihiin in si tolmoon u wada shaqeeyaan dalladda SONYO iyo garabyadda dhallinyarada ee Xisbiyadda Qaranka.

Ugu dambayntii, dalladda SONYO waxay u mahadcelinaysaa dhammaan garabyadda dhallinyarada ee dhammaan xisbiyadda qaranka iyo guud ahaan dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.