Shirkadda Dhaweeye Oo Adeeg Cusub Daah Furtay

Hargeysa – (WARSOOR) – Shirkada Adeegka gaadiidka dadwaynaha ee Dhaweeye ayaa daahfurtay adeeg cusub oo ay u diyaariyeen bulshada reer Somaliland.

Munaasibadan lagu daahfureyey adeegyada cusub oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka ayaa ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay maamulka shirkada Dhaweeye Cabdiqani Axmed Muxumed oo sheegay in adeegani mid sahlaya inaad ku dalbato wax kasta oo aad u baahato adigoo gurigaaga jooga adigoo ku dalbanaya hab online barnaamijka Dhaweeye. Sidoo kale maamuluhu wuxuu sheegay in adeegani sheegay shaqo abuur is helista macmiilka iyo iibsadaha.

Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Farax Ayaanle dayaxweerar oo ka mid ah masuuliyadiinta shirkada Dhaweeye oo ka warantay faa’idada shirkadan iyagoo markasta bulshadooda u fududaynaya hawlaha lagama marmaanka u ah.

Geesta kale, waxa halkaasi ka hadlay shirkada ay wada shaqaynta lee yihiin oo soo dhaweeyey adeegan cusub ee shirkada Dhaweeye kaalintooda ka qaadan doonaan sidii ay u adeegsan lahaayeen barnaamijkan.