Wasiirka warfaafinta oo Booqday Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Laascaanood

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa soo kormeeray Cisbitaalka guud iyo xarumaha caafimaad ee magaalada Laascaanood.

Wasiirka warfaafinta kormeerkaas waxa ku wehelinayey, guddida gobolka Sool ee u diyaar garawga iyo ka hortaga xannuunka Coronavirus guddoomiye ku xigeenka hay’adda ka hortaga Aafooyinka dabiiciga ah, maamulka gobolka Sool iyo ka degmada Laascaanood, iyaga oo kormeer ku tagay cisbitaalka guud iyo xarumo kale oo caafimaad oo ay kamid tahay xarun loogu talo galay dadka uu soo rito xannuunka Coronavirus, ee magaalada Laascaanood.

Ugu horayna waxa halkaas wasiirka warbixin ku siiyey guddida u diyaar garawga iyo ka hortaga xannuunka Covid-19, oo sheegay in xaalada gobolka ee dhanka caafimaadku ay wanaagsan tahay, iyaga oo intaas ku daray in xarunta loogu talo galay dadka uu asiibo xannuunka coronavirus ay ka kooban yahay sagaal waadh isla markaana ay ku diyaarsan yihiin adeegyadii caafimaad ee loogu talo galay, waxayna sheegeen in dhawaan laga qaybin doono gobollada Sool iyo Xaysimo raashinkii loogu talo galay dadka uu noloshooda saameeyey xannuunka covid-19.

Geesta kale, wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo halkaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey guddida u diyaar garawga iyo ka hortaga xannuunka Covid-19, ee gobolka Sool, maamulka gobolka iyo degmada Laascaanood, sida wanaagsan ee ay uga wacyigeliyeen bulshada gobolkaas xannuunka coronavirus.