Shirka Telesom oo Sheegtay Inay Hakisay Laba Adeeg Oo Ka Mid ZAAD iyo Adeegyo Badalkooda oo ay Soo Kordhisay

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa ku dhawaaqday in Arbacada 14 March, 2018 ay hakisay labada adeeg ee ZAAD-ka ah ee Wax ku iibsiga iyo lacag isku dirista moobayladda wixii ka yar $100, balse wixii intaa ka  badan iyo adeegyaddii kale ay sidoodii u shaqeynayaan.

Maamulaha Qaybta Horumarinta Ganacsiga Muddane Cabdisalaan Ismaaciil Nuur oo ku hadlaayey afka shirkadda Telesom ayaa sheegay in shirkaddu ay fulinayso go’aanadii xukuumaddda, shirkadduna ay diyaar u tahay fulinta go’aanadda xukuumadda.

Md. Cabdisalaan ayaa sheegay in macaamiishu ay adeegga shillin Somaliland-ta ay ku iibsan karaan lacagta ku hadalka iyo Internet-ka.

Md. Cabdisalaan ayaa sidoo kale sheegay in macaamiisha shirkaddu ay lacagahood markay doonaan kala bixi karaan xarumaha shirkadda.

Halkan ka daawo warkan:

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap