Shirka Golaha wada tashiga doorashooyinka oo galay maalinkii seddexaad

MUQDISHO – (WATSOOR) – Waxaa maalinkii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana horumarro laga sameeyay qodobbadii laga wadahadlayay ee khuseeyay doorashooyinka dalka.

Af-hayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo maalintii sadeexaad galay, waxaana uu sheegay in maanta hoos loo galay qodobadii doorashadda la xariiray ee la doonayey in xalka laga gaaro.

“Si loo xaqiijiyo in shirku uu guuleysto ayaa Ra’iisul wasaaruhu, waxaa uu sameeyey inuu wadahadal la sameeyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo musharixiinta ay quseyso arrimahaan, waxaana uu maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Aqalka sare oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo qodobada kale ee la rabo in heshiiskan looga guul gaaro” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu.