Goob Joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka Somaliland oo dalka soo gaadhay kana hadlay doorkooda

Hargaysa – (warsoor) – 12 Xubnood oo ah goob joogayaasha caalamiga ah ee dusha kala socon doona doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka ayaa soo gaadhay Somaliland kadib markii ay martiqaad ka heleen Komiishanka doorashooyinka Qaranka.

Warsaxaafadeed ay goob joogayaashani soo saareen oo Wakaalladda wararka Solna ay soo turjuntay ayay ku sheegeen inay goob joogayaashan ay maalgeliso dawlada Ingiriiska.

Waxay sheegeen in shaqadoodu noqon doonto u kuurgalida habka ololuhu u socdo, hannaanka doorashadu u dhacayso iyo fulinta shuruucda doorashada iyadoo ay goob joogayaasha caalamiga ah ay arrintaas ka saacidayaan kor joogtada Maxaliga ah.

Goob joogayaasha caalamiga ah waxaa kale oo ay sheegeen inay dusha kala socon doonaan Maalinta doorashada iyo tirinta codadka Waxaa kale oo ay intaas ku dareen in goob joogayaashani ay ka kala socdaan dalalka Uk, Masar, Ethiopia, France, Jarmalka, New Zealand, Koonfur Africa, Maraykanka iyo Zambia.

Michael Walls oo ah madaxa goob joogayaasha caalamiga ayaa sheegay in doorashadani ay ahmiyad weyn u leedahay dimuquraadiyada Somaliland maadaama la qabanayo doorashada Wakiillada oo lagu gelayo Diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxaanu xusay in doorashadan ay ku lamaan tahay ta golayaasha deegaanka.

Professor Michael Walls oo ka socda waaxda Horumarinta iyo Qorshaynta ee Jaamacadda UCL, ahna madaxa Kor-joogayaasha Caalamiga ah ayaa yidhi isaga oo daba socda kulan wada shaqayneed oo ay la yeesheen Guddida Doorashooyinka Qaranka:

Doorasho kastaa waa muhiim, doorashooyinka imika dhacayaa iyada oo ah markii labaad ee ay Somaliland qabato doorashooyinka golaha wakiillada, waxa ay noqon doonaan Gole Wakiillo oo ku soo baxay codka dadwaynaha. Isku darista labada doorasho ee deegaanka iyo golaha wakiilladu waxa ay sii kordhinaysaa muhiimadda codka ee bulshada reer Somaliland. Kormeerayaal ahaan, kaalintayadu maaha keliya ololaha, maalinta codaynta iyo natiijada oo keliya, laakiin waxa kale oo noo muhiim ah xeerarka doorashooyinka iyo sida loo fulinayo

Madaxa goob joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka Somaliland ayaa intaas ku daray in afar bilood kadib ay soo saari doonaan warbixintooda.