Shir looga hadlayay qorshooyinka horumarka ee wadamada dhaqaalahooda hooseeyo oo lagu soo gabagabeeyay Turkey

Turkiga – (warsoor) – Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar oo uu wehliyo Wasiirku-xigeenka Qorsheynta ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa dalka Turkiga uga qeyb galay shir looga hadlayay qorshooyinka horumarka ee wadamada dhaqaalahooda hooseeyo.

Soomaaliya ayaa lagu casuumay shirka dib uu eegista mudada dhexe wixii ka qabsoomay barnaamijkii wax ka qabashada dhibaatooyinka dadka ku nool wadamada horumarkooda hooseeyo ee lagu hergeliyay shirkii Istanbul  2011 ilaa 2020.

Shirka wuxuu ka dhacay magadalaada Antalya ee dalka Turkiga 27-29 May 2016.

Shirka dowladda Soomaaliya waxaa u matalayay wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo agaasimaha guud ee istaatistikada Mudane Maxamed Cumar Macalin (Wayaki).

Qodobada ugu waa weyn ee shirka looga hadlay waxaa ka mid ah dhibaatooyinka u gaarka ah wadamada saboolka ah oo ay kamid yihiin

1) Isbadalada badan ee cimilada iyo aafooyinka ay geystaan

2) Saboolnimada iyo qaabka loogu hortagi karo

3) Horumarinta dhaqaalaha

4) Iyo sidii qodobadan loogu deri lahaa qorshooyinka horumarka ee wadamada dhaqaalahooda hooseeyo.

Waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1 billion oo qof in ay ku noolyiihin wadamadan oo ka kooban 48 wadan oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Shirka wuxuu ku soo aadayaa ayadoo Wasaaradda qorsheynta ay ku howlantahay qorshihii horumarinta Soomaaliya oo ah midkii ugu horeeyay ilaa 1987. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay wax badan kaga mid tahay tiirarka loogu hadlay shirka ee qorshayaasha Qaranka ee wadamada dhaqalaha yar.

isla Isbuucan Wasiirka qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga mudane Cabdirahman Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa ka qeybgalay shirkii weynaha samafalka adduunka ee kadhacay isla wadanka Turki magaalada Istanbul

Soomaaliya ayaa mudadii danbe aad u xoojisay iskaashiga caalamiga oo ay heshiisyo wax ku ool ah lagashay wadamo badan, waxaana Soomaaliya hada ka socda horumar dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dib usoo kabashada iyo dub usoo nooleynta kaabayaasha dhaqallaha dalka iyo wax soosaarka guud ee wadanka.

shirka_turkiga

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.