Shir ay Isugu Yimaadeen Wasaaradda Warfaafinta, Ururadda Saxaafadda Iyo Wakiilo ka Socda Dalal ka Tirsan Qaaradda Yurub

HARGEYSA – (WARSOOR) – Kulan ballaadhan oo ay isugu  yimaadeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta JSL, Ururadda Saxaafadda iyo Wakiilada Wadamada Midawga Yurub(EU), Finland, Sweden, UK, Denmark, Netherland iyo Germany ayaa maanta ka qabsoomay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeisa. 

Ujeeddada kulanka oo ahayd sidii la iskaga kaashan lahaa horumarinta Warbaahinta iyo dimuqraadiyada Somaliland ayaa waxa khadka telefoonka si rasmi ah uga furay Wasiirka Wasaaradda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore. Wasiirku wuxuu si faahfaahsan uga hadlay xaaladda guud ee Warbaahinta iyo dadaaladda ay Xukuumaddu ugu jirto in ay kobciso aqoonta iyo xirfadda suxufiyiinta iyo halka ay marayso curinta Siyaasadda iyo Xeerka Saxaafada Somaliland. 

Dhanka kale, kulanka waxa sidoo kale ka hadlay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda, Cabdiqaadir Dayib Askar oo farsamo ahaan sharaxaad ka bixiyay geeddi-socodka Curinta Siyaasadda iyo mashaariicda Warbaahinta la xidhiidh. 

Masuuliyiinta ururadda SOLJA, WIJA iyo FIMO ayaa dhankooda la hadlay caqabadaha Warbaahinta Somaliland haysta iyo doorkooda ka qaybqaadashada Wacyigelinta Doorashooyinka Somaliland. 

Kulanka ayaa jawi is afgarad ku soo dhamaaday, diblumaasiyiintuna waxa ay ballan qaadeen in taageero mug leh ka geysan doonaan Warbaahinta iyo Doorashooyinka Somaliland.