Shaqaalaha Dawladda oo Beri Fasax ka noqonaysa Shaqooyinkooda Xuska Dhalashadda Nebi Muxamed NNKH awgeed

HARGEYSA – (WARSOOR) – Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa sheegtay in hawl-wadeenada dawladu shaqooyinka fasax ka noqon doonaan maalinta beri ah oo Khamiis ah, taariikhduna tahay 29.10.2020, munaasibada dhalashada nebi-geenii suubanaa ee Muxamed, naxariis iyo nabad-galyo korkiisa ha ahaatee.

War ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe, soona gadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in shaqaalaha  dawladu ay shaqooyinka fasax ka noqon doonaan maalinta beri ah oo Khamiis ah, taariikhduna tahay 29.10.2020, iyagoo shaqaaluhu shaqooyinka ay dib ugu soo noqon doonaan maalinta Sabtida ah ee taariikhdu tahay 31/10/2020.

Warka ka soo baxay hay’adda shaqaalaha dawlada waxa si gaar ah laagu xusay in shaqaalaha dawlada ee laga maarmi waayo hawlaha ay qaranka u hayaan loo raaci doono sharciga shaqaalaha dawlada, sida uu dhigaayo qodobka 37aad sharciga shaqaalaha dawlada Somaliland.