Shil Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka Dhacay inta u Dhaxaysa Abdal iyo Lafa-ruug

HARGEYSA – (WARSOOR) – ALLE ha u naxariistee hal qof ayaa ku geeriyooday afar iyo toban kalena way ku dhaawacmeen shil Baabuur oo goor dhawayd ka dhacay inta u dhaxaysa magaalada Abdaal iyo Lafaruug ee gobolka Saaxil.

Shilkan ayaa ka dhashay ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo kale ah Bus iyo gaadhi kuwa xamuulka qaada ah. Sidoo kale waxa ay wararku intaas ku daryaan in afar iyo tobanka qof ee dhawacmay saddex qof oo ka mid ahi ay dhaawac culus yihiin.