Shacabka Turkiga oo maanta u dareeraya cod bixinta doorashooyinka guud ee dalkaasi

Turkey – (WARSOOR) – Shacabka dalka Turkiga ayaa maanta u dareeray cod bixinta doorashada dalkaasi ka dhaceyso ee laga soo hormariyey xilligeeda, waxayna shacabka Turkiga ay codbixinta ay maanta u dareerayaan ay ku dooranayaan madaxweynaha iyo xubnaha Baarlamaanka ee dalkaasi.

Waxaa la filayaa in Doorashadan maanta dhacaysa uu loollan adag uu kala kulmo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, cod bixinta doorashadan si ka duwan doorashooyinki hore isaga oo xilka madaxtinimada soo hayey mudda 15 ka sano ah,iyadoo uu jiro siyaasi kale oo loolan adag uu kula jiro.

Ballots for Turkey’s presidential election are pictured at a polling station in Yalova, Turkey June 24, 2018. REUTERS/Osman Orsal

Wuxuuna sheegay haddii uu doorashadan ku guuleysto inuu meesha ka saarayo kursiga Ra’iisul wasaaraha, taasooy mucaaradka ku tilmaameen mid dimuqraadiyadda wiiqeyso.

Madaxweyne Ordugaan Waxaa doorashada maanta dhacaysa kula loolamaya musharraxa isbahaysiga mucaaradka Muharrem Ince oo siyaasaddiisu tahay bidix dhexe,Xisbiga Erdogan AK wuxuu dadaal adag u galayaa sidi uu u hanan lahaa aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay haddii uu kuraasta aqlabiyadda uu heli waayo qorshaha uu ku darsanayo sidi loo dhisi lahaa dowlad isbahaysi ah, balse ma sheegin xisbiga uu isbahaysiga la sameeysanayo.

Erdogan 2003 ayuu ra’isal wasaare noqday wuxuuna xilka sii hayey ilaa iyo 2014 oo madaxweynenima loo doorto.

Madaxweynaha haatan talada dalkaasi haya Ordugan ayaa waxaa uu ku guuleystay in uu isbedelo badan ka sameeyo dalkaasi,iyadoo siyaasadiisu ay tahay mid siweyn ay ula dhacsanyihiin dhamaan wadamada Islaamka.

 

Xigasho: SONNA

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.