“ Saxaafaddu way Dadaashay Horumar badan ayey samaysay, Qaybaha dalka ee horumar ayey ka mid tahay, Waanu Bogaadinaynaa.” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa bogaadiyey saxaafadda Somaliland oo uu sheegay inay horumar baaxad leh ku talaabsatay.
Wasiir Xaashi ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ka go’an tahay ilaalinta madax banaanida saxaafadda sidoo kale warbaahinta looga baahan yahay inay khalaadkeeda saxdo isla markaana ay birma gaydo yeelato.
Wasiirka ayaa arrimahani kaga hadlay tabar uu soo qabanqaabiyey ururka SOLJA oo khubado ay ka jeedinayeen Culimada dadka iyo khubro kaas kuu ku saabsanaa war tabinta togan.
Mudane Maxamuud Xaashi oo kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Ugu horayn Ilaahay ayaa ku mahad san halkan isu keen keenay, mar labaadka waxaan u mahd celinayaa madaxda ururka suxufiyiinta SOLJA oo hawshan isku duba ridkeedka iyo hal abuurkeeda lahaa, waxa aan u mahad celinayaa dhalinyarada suxufiyiinta ah kulanka ka soo qayb galay iyo culimada barnaamijka ka hadli doona ee Sheekh Cabdilaahi Berberaawi ka mid yahay iyo kuwa iman doona ee lagu xusay inay qayb ka yihiin. Bil ramadaan oo khayr leh ayaa lagu jiraa, in aynu cibaadaysano, in aynu wax kala korodsano, in aynu ducaysano iyo inaynu isa saaamaxno intuba waa waajib, binu aadan ayeynu nahay waynu gafaynaa, gef ayeynu u bandhigan nahay, bani-aadamkana waxa u khayr badan kuwa gafka ay galaan ka soo noqda”.
“Bulsho ahaan waxa aynu u baahan nahay inaynu is qiimayno, wixii inaga khaldan inaynu toosisano, Saxaafaddu way dadaashay horumar badan ayey samaysay, qaybaha dalka ee horumar ayey ka mid tahay, waanu bogaadinaynaa, waxaannu qiraynaa saxaafaddu inay waxbadan qarankan ku soo kordhisay, dhinaca siyaasada, horumarka iyo nolosha bulshada, waxa kale oo iyaduna xaqiiq ah saxaafadeenu ma wada khaldana laakiin khaladaad ayey leedahay mana jirto cid ku doodi karta in aanay khalaad lahayn ama gef galin, mar bini-aadam ayaa tihiin oo waa gafaysaa oo qof qof ayaa u gafaysaan, marna Waax ahaan maysiga saxaafaddu wuu gefi karaa, sidaas oo kale ayaa dadka xilalka hayaana u gefi karaan ma aha macsuumiin, madaxweynaha qaranka ayaa gefi kara, waxa gefi kara kaaliyeyaashiisa, markaa in nolosha la qiimeeyo wixii khaldana la saxaa waa daw.”
Wasiirka ayaa sidoo kalena itaasi ku daray “ Waxa aan doonayaa inaan bogaadiyo in waxa wanaagsan ee ay suxufiyiintu wadaan, iyo in aan ku baraarujiyo in dib u qiimeyn weyn laggu sameeyo saxaafadeedna oo khaladaanka yaryar ee ku jira laga waantoobo, khaladaadkuna wuu kala culus yahay qaar baa saameyn ku leh ammaanka qaranka, nolosha bulshada, nolosha dad qoysas ah, qaar baa saameyn ku leh dad ILAHAY sharaf siiyey, waxyaabahaas oo dhan in loo miidaan dayo, oo saxaafadeenu birma gaydo yeelayo ayaa muhiim ah, oo tiirarka dhaqanka iyo diinta ay ixtiraamto, sidoo kale saxaafadda in xuquuqdeeda la dhawro, xoriyada iyo xuquuqda saxaafadda iyo madax banaanideedna in la dhawraa waa waajib, in iyaduna ay dhawrto xuquuqda muwaadiiinta kale waa daw.”
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.