Sarkaalkiil ka tirsan Al-Shabaab oo Hawl-gal Lagu Soo Qabtay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ciidamo ka tirsan Ururka 4aad Guutada 16aad ee Ciidamada xoogga dalka Somaaliyeed ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo culus ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalada oo ahaa kuwo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay Ciidamada ka sameeyeen degaannada Baladul-Amiin, Dudumii iyo Fuulaay oo dhamaantood hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kusimaha taliyaha Ururka 4aad ahna Abaanduulaha Ururka laba xidigle Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay Sarkaalkii u qabilsanaa Al-Shabaab waxa ugu yeeraan Sakawaadka, balse uusan shaacin Magaciisa.

Ugu dambeyn Abaanduulaha Ururka 4aad ee 16aad laba xidigle Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgalka ay sii wadi doonaan ilaa degaannada Shabeellaha Hoose ay ka saarayaan Al-Shabaab.

Howlgalka ay Ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli sabtidi todobaadkaan ay Al-Shabaab weeraro culus ku qaadeen degmada Awdheegle iyo degaanka Bariire, weeraradaas oo sababay khasaaro kala duwan.