30 Sanadood ka dib ma dhabaa Qabiilkii ayeynu ka Guurnay oo Xisbiyo Qaran ayeynu u Guurnay? Qalinkii A/rahman fidhinle UK

30 Sanadood ka dib ma dhabaa Qabiilkii ayeynu ka Guurnay oo Xisbiyo Qaran ayeynu u Guurnay? Qalinkii A/rahman fidhinle UK

Boowe ” Runtu ma fantaa ! Nasiib daro Qabiilkii ayaa loo sii Guuray oo weliba lasii xoojiyey! Bal u fiirso qodoban hoose :

1- Xisbiyada Somaalilaan ee maanta jiraa waa Xisbiyo mabda’oodu ku kooban yahay in kursiga lagu fuulo. Xisbiyada runta ahi sida aduunka oo kale waa Xisbiyo shacabku leeyahay oo xubnuhu bixiyaan taburucaad joogto ah bil kasta (membership fee) Waa Xisbiyo ilaaliya Xuquuqda xubnahooda, Waa Xisbiyo shacabku leeyahay ee aanu Gudomiyaha Xisbigu laheyn. Waa Xisbiyo ururiya awooda dadka muwaadiniinta ah kuwaas oo ku haga kuna hogaamiya barnaamijyo hufan oo dhinac kasta ka taabanaaya nolosha shacabkooda . Maanta ma jiraan Somaalilaan Xisbiyo leh qorsheyaal cokan oo ay ku hogaaminayaan danaha dhaqan dhaqaale ee bushada reer Somaalilaan ku gedaaman.

2- Waxaa ummadda JSL u cadaatay in doorashada is barkan ee soo socota Xildhinaanada la dooranayaa ay ku yimaadeen Liis Beeleed ee aan lagu geleyn Liis Xildhibaano Xisbiyadu soo xuleen iyada taasi jirto ayaa hadana la diiday in ay yimaadaan Tartamayaal ama musharaxiin Xisbiyada ka madax banaan in ay Doorasha ka qayb galaan.

3- Waxaa indhaha Shacabku daawadeen in Jifooyin musharaxiintooda Xanbaarsani ay Shahaadooyinkii Waxbarasho ee Musharaxiintooda lagu xidhay ay u raadsadeen Jaamacadihii Beeshoodu laheyd iyaga oo leh ” Waa musharaxiinteenii ee Shahaadad Waafi ah oo ay tiirada kaga baxaan u soo daabaca. Cajiib!

4- Waxaa dhacday in nin aan weligii Xisbi gelin ay beeshiisu Tuurta ku soo qaataan oo ay Xisbiga ay doonaan ka soo sharaxaan taas oo Kaadiriintii hanka lahaa ee Xisbiyada mudada dheer ku jiray laga hor joogsaday in ay iska soo sharaxaan Xisbiga dhexdiisa ayaga oo aan Salaadiintooda iyo beeshooda wadan. Boowe !Ma sidaas ayeynu qabyaalad kaga baxaynaa mise xaalku waa aan ka fuudee Allow fiihaa!

5- Xisbiyada Maanta jiraa kama jiraan dimuqraadiyadi dhexdooda waxaana ay caadeysteen in aanay ku dhaqmin Xeerarkooda iyo Xeer nidaamiyaha ururrada iyo asxaabta Somaalilaan ee Xeer/ 14. Xisbiyadu waxay caadeysteen in ay si yar oo sibiq ah Xisbiga uga saaraan Xubnaha ama Kaadiriinta hanka leh ee ugu tunka weyn iyaga oo aan la marin Sharcigii Xisbiga ama aan Maxkamadba la geyn.

6- Xisbiyada Maanta Jiraa waa Xisbiyo qof leeyahay oo ( Monoply) ah ku waas oo dabada ku haya beelo, ma raacaan qaab-dhismeedka uu qeexaayo xeer nidaamiyihii loo dhigay ee Xeer/14 oo ah xeer nidaamiyaha ururada iyo asxaabta JSL. Si madax banaan Gudoomiyaha looguma tartartamo, Xisbiyadu waxay Sameystaan Xeerar gacan ku rimis ah oo baalmarsan Xeer-nidaamiyahooda Xeer 14. Waxaa dhacday xisbiyada qaar in Gudoomiyaha Xisbigu uu madaxweyne 3 jeer isu soo sharaxo isaga oo sharciga jebinaaya.

7- Qodobadan aan kor kaga soo dhawaajiyey waxay keeneen in Xisbiyadii laga xiiso dhaco maadaama ay xadideen xuquuqdii muwaadiniinta JSL, waxaana ay isu bedelaan Xisbiyo shacabku u arkaan Dukaan, Qabiil, Jeegaan iyo Jifooyin beeleysan, Ololihii doorashaduna wuxuu noqonayaa dhawaan hiil qabiileysan, codbixintuna ay noqon doontaaTolaayeey iyo yaa reer hebel ah iyo hiil isireysan waase loo joogi doonaa doorashada soo socota wixii nool.

8- Maanta Somaalilaan oo 30 jirsatay qabyaaladii ayaa duluca furatay waxaana ay mareysaa heerkii ugu sareeyey abid, Madaxweynihii waxaa lagu shaanbadeeyey reer iyo jeegaan, Xisbiyadii waxay noqdeen Meherado qof hor joogo, reer iyo reero, Musharaxiintii waxay noqdeen beelo iyo jifo jifo markaa sidee ayeynu qaran jira oo Dimuqraadi ah ku noqon karnaa? Waxaa qabyaaladii hakisay haldoorkii wadaniga ahaa ee dalka iyo dadkaba hagi lahaa ku waas oo Xisbiyada maanta jira ka biyo diiday in ay galaan.

9- Dawladu waa in ay ilaalisaa Mabaadiida guud ee qaranka una hogaansanaataa Dastuurka dalka, Xeerarka iyo shuruucda dalka ee salka ku haya Geedisocodka hanaanka Dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay. Xeer nidaamiyaha ururada iyo Asxaabtu X/14 waa in uu shaqeeyaa kuna Hogaamiyaa Xisbiyada hanaanka Dimuqraadiga ah ee aynu afka ka sheeganayno.

10- Dhamaan shacabka reer Somaalilaan waa in ay soo dhaweeyaan wax ka bedelka lagu sameeyey Xeerka ururada iyo asxaabta Xeer /14 kaas oo qeexaaya in aanay geli doonin Doorasho Xisbiyo qusqadoodii ay dhacday oo aan la garaneyn barnaamijyadooda Siyaasadeed ee ay dalka iyo dadkaba ku hogaamin doonaan mustaqbalka.

Alaa Mahad Leh !

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London