Saraakiisha u saraysa Haayada EUCAP Iyo Maamulka Sare Ee Ciidanka Dab-demiska Oo Kulan kuwada Qaatay Taliska Guud Ee Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Saraakiisha u saraysa Haayada EUCAP Iyo Maamulka Sare Ee Ciidanka Dab-demiska Oo Kulan kuwada Qaatay Taliska Guud Ee Magaalada Hargeysa. waxaana halkaa ku soo dhaweeyay ugu horayn halkaa waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Axmed Sawaaxili, Agaasimaha Fulinta Iyo Taliye ku xigeenka Dab-demiska.

Waftigan ayaa daba socday wafti ka socday Haayadan oo muddo ka hor Kulan la Qaatay Maamulka Dab-demiska waxaanay hogaaminayay Saraakisha Haayadaasi Gobolka u sareeya oo ay horkacayaan Alistair  Arto, Chirsto iyo Teberuis.

Kulankan oo lagaga hadlayay sii xoojinta wada shaqayn dhexmartay Ciidanka Dab-demiska iyo Haayada Eucap ayaa Halkaa waxaa Mamulka Dab-demisku aad u soo dhaweeyeen in xidhiidh dhaw ay yeeshaan labada Haayadood, sidoo kale waxaa Taliyaha Ciidanka Dab-demisku sharaxaad ka bixiyay Waxyaabaha u qabsoomay Muddadaas iyadoo Ciidanku muddo yar oo kooban jiray.

Dhankooda Maamulka Haayada Eucap ayaa ka dareen celiyay soo dhawayntan iyo kulankan gaar ka ah ee ay la qaateen maamulka sare ee dab-demiska waxaanay tilmaameen in ciidanka Dab-demisku wax badan qabsaday isla markaana Cidii wax qabsata wax loogu dari karo, waxaanay sheegeen inay mar walba xidhiidh dhaw la yeelan doonaan Dab-demiska wada shaqayn dhawna ay yeelan doonaan siina adkayn doonaan xidhiidhka ka dhaxeeya labada dhinac.

Gabagabadii waxaa Taliyaha Ciidanka Dab-demiska iyo Saraakiisha Haayada Eucap ay soo mareen dhamaan qaybaha kal duwan iyo Xafiisyada kala duwan ee Xarunta Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa.

 

Media Section At Somaliland Fire Bridge.

Hargeisa, Somaliland.​

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.