Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo ku Dhintay Shil Gaadhi

 Hargeysa – (WARSOOR) – Alle haw Naxariistee waxaa maanta Shil Gaadhi ku dhintay Laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Dab-demiska Somaliland sidoo kale waxaa iyaguna ku dhaawacmay Saddex kale Agagaarka Tuulada Halleeya ee Bariga Magaalada Hargeysa.

Saraakiisha ku dhimatay shilkan ayaa kala ahaa Dr.Naasir Cumar Cabdi Hogaan Xigeenka Caafimaadka iyo Maxamed Cilmi Cali Hogaan Xigeenka Isgaadhsiinta Ciidanka Dab-demiska.

Dhaawaca ayaa ahaa saddex sarkaal oo Magacyadoodu kala yihiin Cabdifataax Maxamed Xaashi Hogaanka Hawlgelinta, Guuleed Maxamed Cabdi Taliyaha Gabiley ee Ciidanka Dab-demiska iyo Guuleed Axmed Abshir Madaxa Iibka Qalabka Gaadiidka.

Dhaawaca ah ayaa hadda lagu dawaynayaa Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.Saraakiisha ayaa ku sii jeeday Magaalada Berbera , waxaana la qallibmay gaadhigii ay wateen.

Ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo Ehelkii, Asxaabtii, Qaraabadii, Qoyskii iyo Dhamaan Ciidanka Dab-demiska Samir iyo Iimaan ilaahay haka siiyo Innallahi wa inna ilayhi Raajicuun.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.