Safaaraddii Dalka Taiwan Oo Si Rasmi Ah Looga Fuaray Caasimadda Somliland Ee Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Safaaradda dalka Taiwan uu ku yeelanayo dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmiya looga furay caasimadda Somaliland ee Hargeysa. 

Madashan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ka soo qaybgalay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, madaxda xisbiyada qaranka ee Somaliland, guddoomiyaha guddiga doorooshooyinka qaranka, guddoomiyaha bangiga dhexe, agaasimaha madaxtooyada, safiirka dawladda Jabuuti u fadhiya Somaliland, saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladda Taiwan iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxa madashaas ka hadlay safiirka Taiwan u fadhiyi doona Somaliland Mr, Leu chen Kuwa , oo dawladda Somaliland uga mahad-celiyay maamuuska sare ee ay furista safaaradda u samaysay, waxaanu safiirka Taiwan caddeeyay inay Somaliland si weyn ay uga taageeri doonaan dhinacyada arrimaha bulshada sida beeraha, daryeelka caafimaadka, Tignoolajiyadda, waxbarashada, ammaanka, tamarta, macadanta iyo maal-gashiga.

Geesta kale, wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan Mr. Joseph Huu oo munaasibadda kaga qayb galay habka isgaadhsiinta casriga ah isaga oo ku sugan dalkiisa ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay aqoonsiga ay labada dal is weydaarsadeen, isagoo ballanqaaday in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada dal dhexmaray  aanu waxba u dhimayn cidna,  horumar iyo nabadna uu u horseedayo gobalka geeska Africa.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (faratoon) oo munaasibadda soo gunaanaday ayaa ku dhawaaqay in safaaradda dalka Taiwan ay ku yeelanayso Somaliland si rasmiya loo furay, waxaanu soo dhaweeyay iskaashi iyo wax wada-qabsi dhabta ah oo dhex maray labada dhinac, wuxuuna wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ballanqaaday in todobaadyo ka dib dalka Taiwan loogu furi doono safaaraddii Somaliland.

Ugu danbayntiina waxa si rasmi ah safaaradda ay dawladda Taiwan ay ku yeelanayso Somaliland loo sudhay calanka dawladda Taiwan.