Guddoomiyaha Hay’adda Aafooyinka Dabiiciga Ah Iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL, Oo Ka Warbixiyey Gargaar Ay Gaadhsiiyeen Deegaano Kala Duwan

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Hay’adda ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali sheekh ayaa ka warbixiyay khasaaraha Roobab dabaylo wataa soo gaadhsiiyeen deegaanada Salaxley, Dacar-budhuq iyo Balli-gubadle.

 Guddoomiye Faysal Cali Sheekh waxaa uu sheegay in ay soo kormeereen Degmada Sallaxley oo roobab dabaylo wataa ka da’een kuwaas oo khasaare u geystay xaafadaha magaaladda Maxakamada, Iskuulo iyo Cisbitaalkii magaaladaasi, guddoomiyaha ayaa sheegay in noocyada kala duwan ee raashinka iyo Huba ay gaadhsiiyeen 109-qoys oo ay saameeyeen Roobabkii halkaasi ka da’ay.
Degmada Laasgeel oo ay ka da’een Roobab dabaylo watay oo khasaare u geystay magaalada iyo goobihii danta guud ayuu sheegay in ay kormeer ku soo sameeyeen iyaga oo gargaar isugu jira noocyada raashinka iyo Huga la xidho ama la huwado ay gaadhsiiyeen 50-qoys oo halkaasi ku guryo beelay.

Faysal Cali Sheekh Guddoomiyaha Hay’adda ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka, waxaa uu sheegay in arrinataas oo kalena ka dhacday dhawaan Balli-gubadle oo ay gurmad gaadhsiiyeen 100 qoys oo ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen Roobab dabaylaha watay ee halkaasi ka da’ay.

Guddoomiyaha ayaa u mahadnaqay Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska iyo Hay’adda Qaxoontiga iyo Brakacayaasha Qaranka oo uu sheegay in ay ka qayb qaateen gurmadka degmadda Sallaxley.