Ra’isalwasaare laga helay Coronavirus oo farriin digniin ah u diray shacabkiisa

UK – (WARSOOR) – Ra’isalwasaaraha dalka Britain Boris Johnsonayaa ayaa farriinta digniinta oo qoraal ah u dilay shacka dalkaasiku sheegay iney shacabku raacaan talooyinka ay soo jeedinayaan khubarada caafimaadka si ay naftooda uga badbaadiyaan cudurka safmarka ah.

Mr Boris Johnson oo karantiil ku jira kaddib marki laga helay Fayrsaka Covid-19 ayaa sheegay haddii loo baahdo iney dowladdu hirgelisay tillaabbooyin adag oo hor leh.

Muwaadiniinta dalkaasina marka ay ku sugan yihiin meel guriyahooda ka baxsanna waa iney racaan ayuu yiri talooyinka ay soo jeediyaan xirfadlayaasha caafimaadka.

“Tallaabbooyinka ay dowladdu qaadeyso waxay u qaadeysaa maadaamaa dowladda lagu eedeeyey iney weli qaadin tallaabbooyin adag.”

Farriinta qoraalka oo qoysas ka badan 30 milyan guri ka guri lagu gaarsiinayo daabacaadda farriinta Ra’isal wasaaraha waxay dowladdu ka kaharsh gareeysay 5.8. malyan oo gini.

“Waxaan doonayaa inaan idiin caddeeyo faafitaanka cudurka inta uu isbeddel ku iman ka hor iney dhici karaan dhibaatooyin adag oo muwaaddiniinta soo wajahdo” ayuu yiri.

“Talooyinka khubarada caafimaadka iyo saaynisyahannada ay noo soo jeedianayaan anaga oo ka duuleyno haddii ay jiraan tallaabbooyin nala gudboon inaan qaadno waan qaadeynaa” ayuu ku yiri Ra’isal wasaaraha Britain Boris Johnson oo shacabka dalkaasi farriin digniin ah u diray.

Dalka Britain waxaa cudurka Coronavirus laga helay dad ka badan 17,089 iyada oo ay cudurka u dhinteen 1,019 qof, shalay oo keli ahna ay cudurka u dhinteen 260 qof.

Xigasho: BBCSOMALI